You are here: Home
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Jaalle Maxamed Siyaad Barre - JaalleSiyaad.com

   
Nov20

Jaalle Siyaad oo ka waramaya sababta ay Soomaaliya, Afrika dhexdeeda uga weyday wax qadiyaddooda ku taageera - 1982

Jaalle Siyaad oo ka waramaya sababta ay Soomaaliya, Afrika dhexdeeda uga weyday wax qadiyaddooda ku taageera, wuxuu yiri:

Waxaa jirey nin madaxweyne Afrikaan ah oo aannu saaxiib aheyn, kaas oo dalkiisu uu dhowaan madax bannaanidiisii qaatey. Ninkaasi markii uu ku jiray halganka gobanimo-doonka ah, aad baan u taageeray. Fadhi kamid ah fadhiyadii ururka O.A.U. baa waxaan ka codsaday in aan la kulmo. Laakiin waa uu i diiday in uu ila kulmo. Iyadoo fadhigii uu socdo ayaa waxaan ku kulanay meel dibadda ka ah aqalkii lagu shirayay. Gacantaan kasoo qabtay oo meel gees ah intaan la aaday baa waxaan weeydiiyay : Maxay tahay sababta aad u diiday in aad ila kulanto. Waa uu i eegay isaga oo didsan, waxuuna iigu jawaabay : Waad ogtahay in aan ahay mid ku xiran taageerada aan dibadda ka helo. Sidaa darteed waxaa layga mamnuucay in aan wax kula qabsado, halis iskama aan gelin karo kaalmada la isiiyo.

Tabtaas ayuu iila hadlay. Sidaas baad ku aamini kartaa in dowladaha Afrikaanka ahi eeyan xor ahayn. Dal xoroobaa ma jiro inta uusan cagahiisa ku istaagin. Sidaas beeyan u jirin dal Afrikaan ah oo Soomaaliya ay taageero ka heshay  Waa ay ina ayidi lahaayeen haddii ay dowladaha xoogga leh ay farta ugu fiiqi lahaayeen. Haddase waa ay naga fogaanayaan waayo dowladaha waaweyn ayaa sidaas raba
. (I Somalia, Bo Bjelfvenstam, 1982. p. 141)

 

 
Oct23

Waxqabadkii iyo taariikhdii kacaankii 21 Oktoobar ee Soomaaliya

Laga soo billaabo 1956kii ilaa 1969kii waxaa maamulka dalka hayay dowlado ay taagdarrada iyo habacsanaantooda ay u sii dheerayd musuq maasuq, qabyaalad, ku takrifalka hantida qaranka, fowdo iyo kala dambeyn la’aan joogta ahayd. Ammaankii iyo kala danbeyntii ayaa faraha ka baxay, dagaal joogta ah ayaa qabiilada ka dhex aloosnaa, ilaa la gaaray in beeluhu ay meel walba ku diriraan. Waxaana dhibaatadu ay noqotay mid sii baahda oo dowladihii magaceeda u bedesha Dowlad Musuqmaasuq uu la degay, waxaana fowdadii iyo nabadgelya darradii ay ku biyo shubatay in Madaxweyne Cabdirashiid Cali sharmaarke uu toogto askarigii loo xil saaray badbaadintiisa, iyadoo la adeegsaday muruqa ciidammadii dowladda ee markaas jiray iyo weliba maalkii qaranka, waxaana laga daliishan karayay halkaas in musuqmaasuqa iyo fowdada uu heerka ugu sarreeyay tegay.

Doorashooyinkii dhacay 1958, 1964 iyo 1969kii waxaa si bareer ah warqadihii cod bixinta ugu shubtay xisbigii SYL ee dhallinyarada, dhowr magaalo oo dalka Soomaaliya ku yaallay ayaa dadweyne aan waxba galabsannin lagu xasuuqay, waxaana dadweynihii xilligaasi ay ku calaacalayeen Xoogga Dalka Maad naga qabataan dugaagga iyo diiratada dowladnimada sheegtay, dhowr ka mid ahaa abwaannadii Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku cabbireen xilligaas musuqmaasuqa dareenkooda hab suugaaneed, waxayna ku maansoodeen “Inqilaab hurdaduu ku jiro la hubsan doone” oo uu abwaan Nuur Cali Qonof tiriyay, sidoo kalena abwaan Qaasim ayaa isaguna tiriyay tixaha ay ka midka yihiin “Cishadii Gashaba waagu waa caynad gooniyahe, Inay curato khayrlihii Kacaan ciidan la arkaaye” iyo suugaan kale oo badan oo ay ku cabbirayeen dareenka ay ka qabaan dhibaatada lagu hayay bulshada.

 
Page 11 of 14

Custom Search

www.somalimind.com


Buug Cusub / New Book


Khudbadii ugu dambeesay 1991 Version 2

Khudbadii ugu dambeesay 1991

Latest Comments