You are here: Home Maqal Heeso Taliska Nugulee - Wadani
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Taliska Nugulee - Wadani

E-mail

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Share selected track on FacebookShare selected track on TwitterShare selected track on Google Plus

Comments (48)add
waxan uarkaa wanaag
written by osman moalim mahamuud , February 18, 2010
aad iyo aad ayaan ula dhacsanahay sida loo habeeyey barnaamijkaan taariikhiga ah,laakin waxan codsan laahaay in lakordhiyo oo waxyaabaha kamaqan lagusoo daro
waa taariikh
written by Cabdi , February 19, 2010
aad baan ugu mahadnaqayaa qofkii fekeray inuu ururiyo taariikhdii m.s.barre
laakiin khayr iyo sharba qof ayan odhan lahaa waayo waaa taariikh , laman aqariyo tariikhda
inkastoo aan filayao M. S. barre cid gadhaysaa inay ka soo ina soo martay
Mr
written by Khadar , February 23, 2010
waa hees qiimo iyo qaayo badan
aqoonyahan arimaha bulshada iyowaxtarka howlgabka
written by sayid ali jamac jirac , March 04, 2010
swc dhamaan umadda somaaliyeed.qof waliba waxuu reebaa wanaag ama xumaan maxamed siyaad waxuu reebay wanaag ay garatay somaalida markuu dhintay waayo,amxaarada waxay ku fakiraysay buu kadhan ahaa,isagoo aaminsanaa in haddii lala dagaalamin ay fakirkooda u hergalayo,hamigoodana ma,aha somaali galbeed oo keliya ee waa somaalida xorta ah,marka ogaada in amxaarka uu hortaagnaa prestdent barre,waana tan hada taagan,waa hada iyo bilow qarnigii 15aad marka somaaliyeey maxamed siyaad dhimay ,amxaarna waa kan dalkii joogee maxaa tala ah.
Ka baro qiimaha dowladnimo leedahay
written by xuriyo cabdulle , March 17, 2010
Qof walbaa waa inuu maanka ku haayaa qiimaha dowladnimadu leedahay,Aabihii umada Soomaaliyeed,geesigii Africa Jaalle Maxamed Siyaad Barre taariikh lama ilaawaan ah.
mr
written by warsame mohamed gelle , March 21, 2010
ilaah ha u naxariisto,waa aabihii soomaliya ,wadani, waxaan ahay ninka magaciisa wax ku bartay , viva siyaad,and dafle
wow
written by c/qadir xasan , March 22, 2010
inkastoo aan yaraa oo aan ahaa 11 jir makii qaranka somaliya lariday laakiin hadan wali ma'ilaabin qiimaha qaranka uu leeyahay
Latalye Arimo Bulsho
written by Abdikadir , June 14, 2010
Walaahi waan ilmeeyay, Siyad Bare Alle ha u Naxaristo, Kuwa manta jooga waa bahalo, siyadna waxaa uu ahaa Wadani, Somaliyeey Ilahay U baryaya Siyad bare in uu Jano Geeyo, Kana ducaysta Caruurtii uu siyad bare ka tagay waayo habarkiisii aya haysta Somalia
Mr
written by Hussein , July 24, 2010
Jaale siyaad alaha u naxariisto. Wuxuuu inoo dhisay wadan hadana waxaa ku ciyaaray kuwo aan damiir lahayn ee burburiyay wadankii uu dhisay.
Drs
written by sacdiyo , July 28, 2010
Allaha u naxariisto ,Janafardoowsana Allaha geeyo [Aamiin] dadkii wax ka qaaday ayaan ahay heestii Taliska Nuguloo waxaan ahay qof wadani ah lama soo koobi karo waxyaabihii uu noo qabtay Aabo siyaad naxariistii jano Allaha siiyo kuwa hada joogana Allaha soo hanuuniyo.
waa taariikh wadanka mudan in la xifdiyo lana aruuriyo----
written by C/raxiim Cumar Axmed , August 17, 2010
waxaan dhageysanyaa heestii taliska nugule intii aan qoraalkan ku jirey--- waayo waayo iyo barisamaadkii waagii ey soomaaliya soomaaliya aheyd ayaan soo xasuustey. mahad ilaah ka sukow waxaan iska leh intii isku daba ridey site-kan, siyaad bare iyo maamulkiisii waa taariikh uu wadanka leeyahey mudana in la dhowro, la aruuriyo dadka soo korayo la baro, yaanan la qorin oo keliya wanaagii maamulka sidoo kalana ha la qoro wixii uu maamulka ku guuldareystey si taariikh buuxda ey u noqoto.

runtii heesaha wadaniga iyo kacaanka waan ka jeclahey dhageysigooda heesha kale in kastoon aanan aad u dhageysan heesaha waqtiyadan danbe, maxaa yeeley heesihii wadaniga iyo kacaanka dereyn iyo shucuur gooni ah ayey wataan oo aadan ka heleyn heesaha kale.

markale iyo anigoo idin leh "mahadsanidiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin"
Nin ku soo koray xilligii siyaad
written by Alto , September 13, 2010
Waxaan mahad aan la soo koobi karin halkan uga jeedinayaa dhammaan dadkii waqtigooda ku lumiyey iney heesahaan noo soo ururiyaan Thanks all. Wey adagtahay in cid aan waqtigaas ka qeybqaadan loo sharraxo ama loo tilmaamo dareenka ay heesahani leeyihiin. Sidaa darteed waxaan keliya oon oran karaa sorry kuwaas aan soo marin xilliyadaa good days! : I really feel sorry about those whom didnt experienced
Aabe Siyaad dabadii Halaagbaa u sugnaaday Soomaaliya
written by Lafoole , September 29, 2010
walaal xasuusta wanaagsani waa Nolol
aad baad ugu mahadsan tihiin waxa aad sameyseen
Halkaa kasii wada dadaalka aad ugu jirtaan ururinta
Taariiqda wanaagsan
mr
written by abdullahi arday , October 04, 2010
waxaan wali xusuusta sidaan qaran jira u ahaanjiray meesha aan daadsanahay dal iyo dibbadba allow kuwa dhibka naga saara ummada ubixi sidii aabe siyaad ugu baxay sanadki 1969 21 octoobar

ilaahayow nabad nasii
written by abdi raage , October 21, 2010
aniga markii maqlo hestan walee waan ogaa waxaa wax lala yaabo ah dadka xamar isku lay nayo 20 siyaad ilaa hayow janada ka warabi
FEYLMAGALE@HOTMAIL:COM
written by ABUUKAR AXMED MUUSEEY , October 24, 2010
waxaan ahay ardaydii ka soo baxday kulliyadda jaalle siyaad
waxaan alle ugu baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo maxaa yeelay
wuxuu ahaa muwaadin soomaaliyeed oo aan la hayn qof bedela muwaadinimadiisa
allaha siiyo janadii fardowsa inshaa allaah walle soomaali is baratay ma haayno waxaan ahayn kan dil kan afduub
madfac ku tuur suuqyada waaweyn laguu darsay jaalle siyaad barroow
asc
written by faysal maxamed cilmi , November 22, 2010
aaboow siyaad aboow siyaaad allow janada kawaraabi ah ah maanta dalaka soomaaliya haduu joogo muu sidaan ahan lahaaa waan kaxumahay wax magaratada xilka doonka ah sooomaaliya waadal agoon ah abihii dhalayne wuu tagay waan kaxumahay

Somali
written by HAO , November 26, 2010
Heestaan markii ugu horeysay oo laga qaadey Radiyo muqdisho waxay aheyd 7/14/1977. maalintaas waxaan marayey meel u dhow magaalda Wardheer. waqtigaas oo ay ciidamada Jabhadda Xoreynta Somali Galbeed ay qabsadeen magaaladaas iyaga oo ay taageereyeen ciidamadii Soomaaliyeed oo aana iloobo doonin weligey. waxay ka mid ahayd markii aan adduunka ugu farxad badnna oo aan lahaa niyad sareysa oo Soomaalinimo iskuna hallaynaya dowlad xoog badan iyo shacab isku duuban oo daacad ah. waxay ahayd waqti uusaan cadowga Soomaaliyeed Xoog laheyn. Waxaan haysanney hoggaamiye aan xadin shacabka hantidooda oo aan Amar ka qaadan cadowgiisa. Inta yar oo maanta qabka leh oo Soomaalida ahi waa dadkii ku soo korey Dowladdi Maxamed Siyaad Barre.
Taariikhdu iyadaa is qorta Moxamed Siyaad barre wuxuu ahaa ninwaxgarada ah oo hoggaamiye ah. Kuwa maanta Caayaya ama xaqiraya,20sano kaddib waxay dhihi doonaan isku qabiil baan ahayn Moaxamed Siyaad iyo ader buu ii ahaa.

Aallaha u naxariisto. Nin la mid ah allaha soomaali siiyo.
waaaaaaaaaaaw
written by abdi , December 24, 2010
waaw aad ayaan ula dhacsanahay waxaana idin ka codsan lahaa inaad ku soo dartaan buugaagta iyo wixii la mid ahaa ee ku saabsan taariikhihii hore waana ku mahadsantihiin
...
written by adam osman omar , January 03, 2011
waxaan halka mahad aan la koobi karin uga soo jeedinayaa dakii isku mashquuliyay in ay soo ururiyaan taariikhda soomaaliya intii ugu mudneyd ama aan dhihi karo waa waqtigii soomaaliya ay ugu wanaagasaneyd uguna sharaf badneyd marka loo eego xaaladihii kala duwanaa oo ay soo martay tan iyo intii xorriyadda la qaatay. wixii qaldamayna waxaa qalday soomaaliya oo idil ee ma qaldin maxamad siyaad barre oo ahaa hoggamiyihii ugu adkaa inta aan aqaan ee soomaliya soo maray uguna daacadsanaa,waxaanna leeyahay ALLAAHA U NAXARIISTO.
AAAAAHHHHHH
written by abdikadir sheik muktar , January 04, 2011
waa taariiq lama ilaabaan ah cidii iska indhatirta waa cid aanan ku jirin wadananimo ILAAH ha u naxariisto aabihii umadda soomaaliyeed JAALE MAXAMAED SIYAAD BARE...
waaaaaaaaaaaaaao
written by abdikadir sheik muktar , January 04, 2011
waxaan u mahad celinayaa ILAAHII i uumay midakale waxaan u mahad
noqoyaa dadka isku howlay inay diyaariyaan webkaan
mr
written by Jamaal cabdillahi sheekh c/qaadir xaaji axmed , February 12, 2011
illahay naxariis ayaan u waydiiyey my only president I HAVE EVER HAD IN MY ENTIRE LIFE,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
Mr
written by Ahmed khalif Dirie(shiine) , February 15, 2011
Mohamed siyad barre waxaa uu ahaa nin waddani somaliya dhisay ah ilaahay ha u naxariisto.
waddanka somalia waa uu dhisay ilaa 1991 waxaan ka xumahay
Waxaa badalay wax matarayaal waddanka burburiyey waxaan
ilaahay ka baryayaa inuu somaliya u soo saaro halyeey sidii siyaad barre
oo kale kaasoo noo horseeda qarinnimo iyo dowladnimo.
babaluza
written by babaluza , March 29, 2011
maxamed waxa uu ahaa aabaha somaaliyed ee wadaninimada ku jirtay maanta aan lagu arkin mid somaali sheegta ilaahey janadii ha ka waraabiyo waxa uu ahaa zaciim aan marna ilaaweyn intaan aan noolahay aana ugu sheekeen doono caruurteyda in aan waqti fiican aan la soo qaatay aabe maxamed siyaad bare
zaciimka somaliya janadii fardowsa ilaahey ha gelyo waxaan leeyahay aaaaaaaamiiiiiiiiiiin.
...
written by Abdirahman , April 18, 2011
Anoo ah nin reer waqooyi ah Waxaan heestan kuddawaday riwayad wadani ah sanadkii 1978 kii magaalada arabsiyo markuu socday dagaalkii ethiopia iyo somalia waqtigaasoo ahaa waqti somalinimadu ay ahayd heer sare
...
written by Maxamed Yare , April 27, 2011
Waxaan u adkeesan waayey inaan akhriyo dadkayga ama walaalahay somaliyeed oohinta iyo qeelo dhaanta ka yeereeso in ilaahay usoo celsho dhulkoodi hooyo waa mida iga keentay inaan maanta ooyo
MD
written by M. Dio , May 07, 2011
Heestaan marka la saaray xalane ayaan ku jiray anoo isu diyaarinaayo inaad ka qeyb galo xoreynta Somali Galbeed.
dr
written by sayid , June 01, 2011
waxaan aad ugu mahad celinayaa inta xilka iska saartay uruurinta tariikhdii madaxwaynihii hore ee
somaliya alaha u naxariistee jaale maxamed siyaad bare waxaan ilahay kaaga baryayaa in maqaamkaagu ilaahay ka dhigo jano amiin by dr sayid
xasuus
written by xamari , June 11, 2011
baaba siyaad ilaahoow kuu naxariiso hadaad adiga noolaan laheydd maanta aniga leeyma dhihi laheyn 4.5 ama wadanka xaq ku leedihid masoo dagaalamin
...
written by daacad , August 09, 2011
yaa slaam heesahaan aaba heey ayaan ka dhexlay 1995 asaga ayaa jeclaa oo ahaa wadani ka tirsanaa milatarigii 21tnaat ilahow unaxariiso asaga iyo milatarigii ay saxiibaha ahayeen
Jaale Siyad
written by Siyad Shire , August 25, 2011
Yaa Salaam Waxaan Mahad ucelinaayaa Mulkiilaha Websaankiaan heestaan waagii laqaadijirey Amxaaro Baan Ladirirayey Qaarkood Wexey Dhaheen Waad naleyseen ee Nadaaya Gabdho ayaan idiinsiineynaa Marka inaan Wadani Somaaliyeed ahey Waan Qiiroodey Markaan Maqley Heestaan Murtida leh.
Somali
written by awoowe , September 14, 2011
Habeenkii heestaan ugu horeysay ee Radiyo Muqdishu laga qaadey waxay aheyd July 19, 1977kii. maalintaas oo ahayd markii Jabhadda Xoreynta Soomaali galbeed gacnta ku dhigtay magaalada Wardheer, weeraro kululna ku ahaysay Qabari daharre, Godey iyo Dirir dhabe.. waxaan ka soo socdey Wardheer aniga oo u soo Socdey Dhuusamareeb oo xurun u ahayd Qaybtii 21aad ee Xoogga dalka soomaliyeed oo markaas dagaalka ku gashay magac Jabhadeed. waxaan dib u xusuusanayaaa wada jirkii, midnimaddii iyo is jacelykii Ummadda Soomaaliyeed iyo Sidii Ummaddu u jelayd Hoggaamihooda jaalle Siyaad. Waxaa jaale Siyaad uu maalmahaas shil ku galey magaalada Gallinsoor oo u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Dhuusamreeb, isga oo u sii socda gaalkacyo iyo Burco. Maailntaas wuxuu kula hadllay duleedka Magaalda Balan Balle 2 Guuto oo Tangiyo ah oo Xamar iyo Buulo Burte kasoo guurey oo markaas ku wajahnna Soomaali galbeeed.
Waxaan markhaati ka ahay in uu ahaa Waddani soomaliyeed oo rabey in uu isu keenno Shanta Soomaaliyeed oo mideeyo Soomaaliya.
Wuxuu nooga digi jiray Qabiilka oo aan dabin ugu dhacney maanta. labaatan iyo kow sano kaddib weli la,anahay xa lnabadeed. kuwii dowaddii riday waxay na gaarsiiyeen inay maamulaan talana ka qataan Dowladihii Gumaysanay dadkeenna soomaaliyeed., waxay noo sameeyeen dowldo qabiil salka ku haya oo ay maamulaan cadowga soomaaliyeed oo aan marnna rabin in qof waddani ahi soo boxo. maxamed siyaad shinni buu ku fadhiyey markii uu ka kacay shinidii midba meel bay u duushay.



Maxamde siyaad barre wuxuu ahaaba konto sano kaddib baan arki doonna iyadoo qabiil walba sheeganayo in uu ka dhashay. Sida Axmed Gurey ay u sheegtaan qabiillo fara badan ,waayo qof walba wuxuu rabaa in uu isku lamaaniyo Geesiga.
midnimo
written by h/gidir , September 27, 2011
allaha u naxariisto mohamed siyyaad barre waa madaxweynihii somalia oo mudan in lagu daro tariikhda somalia bogga hore waayo manta iyo shalay wax noo dhamo ma jirto ee illaah haka saaro ummada mida aay ku jirto manta oo nabad iyo walaltinimo
HAMBALYO
written by ABDIRIZAK , January 16, 2012
BUUGAAN TAARIIKHDA XANBAARSAN AAD AYAAN U SOO DHOWEEYNAAYAA
WAAYO WAX UU AHAA JAALE SIYAAD NIN WADANI AH OO DALKIISA JECEL
WAXA UU AHAA NINKII U DALADAALDAY DANYARTA SOOMAALIYEED,
WAXAASE KA DAN BEEY MAXEEYSATO DALKII IYO DAKII CUNAY .
JAALE SIYAAD TAARIIKH AAN LA ILAAWI KARIN AYAAUU WADANKA OGA TAGAY.
JANADII ALLAHA KAA WARAABIYO AAMIIM
jaale siyaad alaha unaxariisto
written by wadani , January 22, 2012
allaha u naxariisto jaalle siyaad barre, :aamiin:
maanta waxaan noqonay dad iyo dal aan jirin
jaalle siyaad wuxuu ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay uguna danbeeyay ee soomaaliya
lagamana yaabo siday ilatahay inuu nin lamid ah soo mari doono
anigu waxaan ahay muwaadin soomaali ah xaqa in laga hadlaana way haboon tahay .
fadlan dhalinyarada soomaaliyeed ku da daala inaad si wadaninimo ku jirto inaad u fakartaan
taas ayey sharaftu ku jirtaa , taariikhduna sida jaalle siyaad ayaad baal dahab ah ka galaysaan
iska ilooba wixii labaatankii sano eedanbe dhacay kafakara mustaqbalka soo socda ee awlaadiina.
wabilaahi towfiiq. wadani

EEBOOW NA SAMATA BIXI SAAKAY, WAY NA SIDATAAYE (AAMIIN).
written by owgaab , March 04, 2012
Inkasta oo ay adagtahay waqtiga lagu jiro iyo sida xaalku yahay maanta, cid walba oo damiir wadaniyadeed iyo iimaan ku jirana ay murug, ciil iyo calool xumo la ooyayso marka ay fiiriso sida ay wax u socdaan, hadana naxariista Alle anigu marna kama quusan, Qarankii soomaaliyeed oo dib u soo noolaada, wadani daacad ah oo hogaanka dalka qabta, iyo umaddoo fahanta in qabiilku qurun yahay, Eebe xagiisa wax wayn kama aha wuuna na badbaadin karaa, balse anagaa nalaga rabaa inaan dib isugu noqono. Waxaa wax walba iiga xanuun badan xabashidii aan hilibka qeyriin cunsiiyay ee ka quusatay inay dab shidato, cabsi ay ka qabto halyeey axmed gureey dartiis, inay maanta meeshay rabto isaga gardiso Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed , Laakiin dhib ma leh Aduunyada ayaaba ah harka labadiisa galin, maalin aad leedahay iyo maalin lagaa leeyahay. SOOMAALAAY WAXBA YAYSAN NIYADA IDIINKA JABIN MAHIGA IYO WA LA MID AH, SIDOO KALE DEKADA LAGA DHISAYO LAAMO SI SHIDAALKA KOONFURTA SOMALIYA LOOGA DHOOFIYO, SIDOO KALENA BUULO XUUFTAYNTA XABASHIDA, DIB BAY CAGAHEEDA ISUGU TAAGI DOONTAA IINSHAA ALLAAH, QARAN INTII HORE KA AWOOD BADANA KU SOO NOQON DOONTAA, WALINA MARKII HORE LABO BAY AHAYDE IYADOO SHAN AH IINSHAA ALLAAH, LAND LAND LAND TA LAGU HAYANA ISKA DHAMAAN DOONTAA,
WAXAAN WIIL KASTA IYO GABAR KASTA KULA DARDAARMAYAA INAAN QABIILKA ISKA ILOWNO WAA ISAGA WAXA MEESHA NA DHIGAY, GOOB KASTA OO LAGU QAXWEEYO IYO MEELAHA DHALINTA ISUGU TIMAADANA LA BADIYO KA HADLIDA MUHIIMADA AY MIDNIMADA LEEDAHAY IYO RAADINTA SOOMAALIWEYN. KOLAY WAALIDKU WAY GARANAYAANE MARKA LAGA REEBO IN YAR OO JIRAN GUMAYSTAHANA MOODA INAY WADA DHASHEEN, INAAN CARUURTEENA KU ABAABINO OO AAN UGA SHEEKAYNO WAXA AY TAHAY XIDIGTA SHANTA GEES LEH IYO MARADA BULUUGA AH IYO WAXA AY KU FADHIDO OO MACNO AH. YAANA LAYS DHIIBIN OON LA DAALIN. WAXAAN HADAL KU SOO KOOBAYAA. SOOMAALI SOOMAALI SOOMAALI BAAN AHAY.
...
written by Xaabuun , April 14, 2012
Maxamed siyaad adduunka ayaa umarkhaati furay , kuwii ku mucaaradayna aragnay.
Illaahow janatul fardowsa ugu bishaaree,
Soomaalina udarsatay nabsigiina guratay
Illahow udambi dhaaf.
april 20/2012
written by agon somali , April 19, 2012
asc illhow qabrigis wasaca illhow ka dhig kitabkis midigta illha ha ka siyo xasuus dheradaow nagu dhawaye mantan waa u jedan waxa soco d allha sahalo amurah wagaow siyad wadanka jogay xurniman haysanay had hadan jogno wadan shishey jogan xurnimo ma hesano illho wadankena nabd noga dhig
DHALINTII KACAANKA
written by Cabdi Maxamed Cali , May 26, 2012
ALLAHA U NAXARIISTO AABBE SIYAAD, JANADII FARDOWSANA ALLAHA KA WARAABIYO AAMIIN. MARKA AAN MAQLO MAGACA JAALLE SIYAAD ILMO AYAA IGA TIMAADA WAAYO WAXAAN AHAY QOF JECEL SOOMAALINIMADA, TAARIIKHDII KACAANKA AY KU WEYN TAHAY OGNA SIYAAD BARRE WAXA UU U QABTAY DADKA IYO DALKA.
waaaaaaaaaw
written by shanbay , July 11, 2012
waaaaaaaaaaaaaw waan ka helay aad ayaana u fahmayaa waxaan ahay wadani ala yaraxma maxamed siyaad wuxuu ahaa wadani aad u wacan ee wey ka sariraqatay dadkaan waalan ayuuna haayay waana u darsanay

biibii
written by duniyo , November 16, 2012
waxaan xusuustaa heestaa markii ay soo baxaysey walaashey ayaa ku xarootey dugsigii tababarka macalimiinta ee xalane iyadoo markaas noqotey macalimiintii biibida loo yaqiiney ee dugsiyada dhexe wax ka dhigi jirey oo markaas la siin jirey lacag dhan 400 boqol shilin soomaali ah oo mushaharadooda aheyd, markaan aragno ayaan dhihi jirey ( nafaqadiinu waa dugir dheeftiinu waa xalane nashiidadiinu waa 400 oo lugu nasto og lu nagaado ee ha yeelina
maasha alaah waayo waayo
...
written by ethopian , December 07, 2012
very good song
Maxaa Na helay
written by Abdirahim , January 30, 2013
ASC Waxaan aad ugu mahadcelinayaa dadka soomaaliyeed ee wadaniyiinta ah ee waqtiaga badan geliyay website-kan qiimaha badan oo na xasuusinaya waayhihii quruxda badnaa ee ay Soomaaliya soo joogtay waxayna taariikh iyo tixraac u tahay inta aan nasiibka u yeelan inay xilligaas joogeen .

Waxaan kula talinayaa una Madaxda xilligan inay ka faa,iidaystaan waaya aragnimada iyo wax
qazbadkii Dawladdii DSooma;liyeed ee 1969, si ay u helaan taariikh dhaxal gal oo ummada soomaaliyeed marqaati ka noqoto.

Waxaan hadalkayga ku gabagabaynayaa una ducaynayaa madaxwaynihii Ummadda Soomaaliyeed ee suurtageliyay inay Soomaaliya dunida wax la qaybsato, waxaana ilaahay uga rajaynayaa inuu naxariistiisa janno ku magangeliyo.

dhiirigalin
written by cabdulqaadir nuur looto , February 06, 2013
waa wax loobaahanyahay xusuusta dawladii noogudambeysey
Taariikh
written by qaalin , February 21, 2013
walaahi markaan maqlo heestaan waan ooyaa maxaa yeelay waxaan kudhashay xuduuda soomaali galbeed,
waxaa xusuustaa sidii loo galay xabashida waagii heestaan laqaadayey qabkii iyo awoodii ciidamadii xooga dalka soomaaliyeed
iyo meesha aan maanta joogno
WEEBKAANU WAA IDIDIILO IYO CAAFIMAAD , WAA MAXAY SABABTA?
written by Dalmar , December 24, 2013
Dad badan oo soomaaliyeed markay dhageystaan waayo-waayo iyo barisamaadki karaamadi iyo sharafti iyo Hoggaanki wanaagsanaa iyo sida somalidu qab iyo karaamo u laheyd ayey farxaan hammadna yeeshaan islamarkaan qoraallo ku qoraan , qoraalladaa oo aan u arko inay ku ciil-baxayaan qayb caafimaadkooda ka mid ahna noqda. Sidoo kale Agaasimaha webkaan iyo inta taariikhda dhaxalgaalka ah ee cadawgu burburiyey jecel in la soo nooleeyo, waxaan kula talinaya ha yareysanina aragtida kala duwan ee ah halkaan ku soo qoraan wadaniyiin qab leh ee soomaaliyeed oo waayo-arag ahoo goob joog ahaa taariikhdaas ilaa xoriyadi somaliya, iyo ka dib dhalashadi Kacaanki 21 Oktobar, dadkaasi waxay qorayan cayaar ma ahan aragti, taariiikh, og-ogaalnimo intaba wey hayaan, qar badan waayadi Kacaanka arday bay ahaayee, qaar dhallinti kacaanka bay ahaayeen,qaar Madx qaran bay ahayeen, waxaa kale oo ka mid ahaa Saraakiiliyo Askar ka tirsana ciidamadi kala duwana ee qalabka siday, Macalimiin, siyaasiyiin, nabadoonno, iyo hawladeennadii kala duwana ee Qaranki Soomaaliyeed.
Sidaas darteed waxaan kula tlinaya Mulkiilayaasha webkaa n in dadka soomaaliyeed ee sharafta leh ee xiiseeya qoraallada webkaan inaad ka warheysaan oo aad isha ku haysaan ood akhridaan. Waxaan hubaa Taariikh iyo caqli badan in laga aruurin karo . Dadkaas waxa kale oo ka mid ah dhallinti dhalatay ee kortay burburki ka dib,ka dibna akhristay, taariikhda,oo ayaguna caqli badan soo qora.
MUWAADIN SOOMAALIYEED
written by SOMALI , March 17, 2014
ALE HA,UNAXARIISTO MUXAMAD SIYAAD BARE HOGAAMIYE UMADIISA DAACAD UAH BUU AHAAYEE MAR WALBA AAN UDACAYNO MAANTA WAXAA LA,INOOGA BAAHANYAHAY INAAN UDACAYNO
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search

Buug Cusub / New Book