You are here: Home Maqal Heeso Siyaad Dalka No Horseed
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Siyaad Dalka No Horseed

E-mail

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Share selected track on FacebookShare selected track on TwitterShare selected track on Google Plus

Comments (27)add
sadexraad@hotmail.com
written by raabi , July 22, 2010
waad ku mahadsan tahiin walaalaha diyaariyay jaale siyaada geesida somaaliyeed
geesi ,wadani ,indheergarad, hogaanshe aan la hilmaami doonin
written by ardaydii kacaankii barakaysnaa , July 24, 2010
daaweeye wuxuu ahaa xaqiidii aan la hilmaamidoonin
WIXI LOO DIG IYO DAM LAHAA, WAA KUWEE DABADHILFKI GUDAHA IYO .......
written by By Goobjooge , July 28, 2010
Maxaa loo dig iyo dam leeyahay oo gumeysi doonayaa, gumeysiga noocyadiisa kala duwan, dabadhilfki
Qaran dumiski, waa kuwa Somaalida maanta baday waxa haysta, qoom waxa uu jabaa , marka uu
isxaqiro, ismasabido. Taas waxy ka mid ahayf Khudbadihi qaayaha lahaa ee Madaxweyne Jaalle Siyaad,
Alla .yaraxma , A.U.N , . Maxmad Siyaad waxa uu ahaa Waayo-arag Somalida si fiican u yaqaan,
Waxaa kale oo uu8 ahaa cabqari Gumeysiga si fiican u yaqaan.
Marki uu lahaa war Xabadda joojiya, wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, war Ha iska duminina
dalkiina, war maal iyo guryo iyo beero idinka samaysanin, war hadaan boqortooyo raba
waan samaysan kara, caadatqaatayaasha boqolka Madaxaxwene oo beenbeenta la baxay iyo kuwi
ka sii horreeyey ee Boqolka ss.Jabhada ku sheegga la baxay, alla maxay riyo been ah istuseen,
nin wax noqda waa laga waayey. Kaliya waxaan u arka inay xaasi ahaayeen, waxaa la yidi Xaasadku si uu adiga indhaha kaaga rido, asaga yaaa marka hore indhaha iska rido soo wada indho-beelo.
Waxaa xaqiiqo ah in Madaxweyne Maxmaed Siyaad uu ahaa Nin NABADOON ah balse uusan
ahayn Digtaatoor sida Gaalada qaarkeed iyo dabadhilifka afka iyo qabyaalada iyo xaasidnimada ku noolaa. Waxaa xaqiiqo ah khudbadii uu akhriyey Axmed Saleebaan oo aysan jirin cid maanta dadka nool kaga xogogaalsan DIIWAANKA DHABTA AH EE SIRTA SOOMALIYA, waxaana uu yidhi waxa uu
ahaa nin naxariis leh, oo cid walba iska cafiso, .Akhristow Marki Kacaanku dhashay Madaxdi Dawladi
Musuqmaasuqa Sida uu Ina Dafle sheegay firaash iyo guryo qurxan baa la dajiyey oo ay ku noolaayeen,
waxaan ka warqabnaa xataa inb xaasaskooda loo ogolaa, bal in xumaan iyo dil loo geystee.
waxaa tusaale kuiugu filan In Ina Cigaal wax ka dib loo magacaabay SAFIIR, ka dibna guri qurux badan
ayuu kaga noolaa Muqdisho, waxaana uu ahaa 1991 ka hor Guddoomiyaha Rugta ganacsiga qaranka, jagadaas oo ah jago sharafeed, nabad iyo caano0 ay7uuna ku noolaa. Akhristow marki uu geeriyooday
Ina Siyaad , A.UN, Ina cigaal waad maqlaysa hadalladi aan Islaanimada ahayn ee aadananimada ahayn
oo uu ku hadlay , waxaana uu yidi, WAR DEE WAAN MASHXARADIHI LAHAYNE DEE REER SOOMALI-
LAND ayaa xasaradi dhe taalla. Waxaa xasuusnahay marki uu geeriyooday Ina Cigaal A.U.N
illeen nolosha nina lama dhalane qof walba waa tagayaayey, In Ilmo Maxamed Siyaad ua ay
tacsi sharaf leh oo ay idaacadda u sii marsiiyeen oo ay u rajeeyeen Naxariis .
Sida farahaasu u sinayn ayaa loo kala karaama badan yahay.
Waxaan Alle ka rajeynayaa in quluubta Soomaaliyeed ay hagaagto, Waxaan Alle ka rajeynayaa in maamullada iyo
xukuumadaha Soomaaliya Alle noogu dhiibo kuwa noogu kheyr badan aduun iyo aakhiraba,

nooloow
written by mubarak , August 08, 2010
Daaweeye Siyaad alle naxariistiisa hakaa waraabiyo amin amin
Mr
written by Omar Hassan , September 02, 2010
SCW=ninkii joog laga waayo soo jiifo aa laga helaa. Soomaali jooga ayaa laga waayey waataa ay caanaheeda la lisayo. alloow adaa awood leh noo soo celi dowladnimadeenii iyo sharafteenii. AAMMIINN
kenya politician
written by borle , September 06, 2010
aduunka sharaf ayuu kulahaa aakhiro ilaahay sharaf hasiiyo,war shisheeye,iyo gumeeyste iyo itoobiya oo maxamad siyaad ka adkaaday oo dalkoodi oo dhan qabsaday ayeey warkeeda raaceen,ilaahay dhamaantood darxumo iyo silac habado ragii soomaali meeshan dhigay.
...
written by abdi , September 20, 2010
waxaan qirayaa in uu ahaa wadani dalkiisa jecel waxaa tusaale kuugu filan dalka siduu ahaan jiray
iyo maanta siduu yahay muqaalka aragiyo maqalkana ku kala roon
dabadhilif amxaariyo doqon baa naweerartay
duceeysane naxariistii jano allaha kusiiyo jaale siyaad jaale siyaaaddddddddddddddd aamin..aamiin aamiinnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnn
waxaa qorey... abdi mohamed....
born.. west beledweyn
Nabadgelyo iyo Naxariista Eebbe haka waraabiyo Madaxweynaheennii hor Marxuum Maxamed Siyaad
written by Harti dooje , September 21, 2010
Aad iyo aad ayaa qalbigaygu isu bedeley markii aan xasuustay taariikhdii qaaliga ahayd ee dawladdii xalaasha ahayd ee Maxamed Siyaad Barre!!
Macaariifta qiimaha iyo xushmadda mudan ee soo diyaarisay waad ku mahadsan tihiin halkaasna ka sii wada inaad xasuusisaan waxa ay tahay dawladnimo.
soomaali waa ogaatay maxamed siyaad kuu ahaa
written by ahmed , October 03, 2010
maxamed siyaad allaah ha u naxariisto ,wuxuu ahaa wadani dadkiisa iyo dalkiisa si aan la koobi karin wax ugu qabtay ,jeclaana inuu soomaali gaarsiiyo meel ayna hadda ku riyoonayn.
cadowgii soomaalida iyo wax ma garato soomaali ah oo magacyo qabiil oo shisheeye ka dambeeyo wadat baa isu kaashaday ugu dambeyna ka guulaystay geesigii ummada halyeygii shanta soomaaliyeed
dadkii soomaaliyeed iyo dalkiina dhulka ku jiiday ,sharaftii soomaaliyeed ,dawladnimadeedi ,dhulkeedi
badeedii iyo cirkeedii midna kama dambeyn maxamed siyaad ,markii la waayey siyaad baa soomaali hoog iyo xumaan u soo hoyatay .
soomaali meesha ay taal waxaa dhigay kuwii uu ka digi jiray had iyo jeer oo aan u qabnay inuu xukun ka fogaysanayo kuwii aan maalin walba ka maqli jirnay nacnacdooda bbc ,raadiyo kulmis iyo idaacadaha cadowga oo dhan
maxamed siyaad qabri allaah ha u nuursho naxariistiisana ha ugu roonaado.
Aamiin

eng
written by isaxaaq , October 10, 2010
A U N Jaale mahamed Siyaad Barre waxa uu ahaa muwaadin soomaaliyeed oo jecel dadkiisa iyo dalkiisa.waxa uu ahaa Wadani geesi ah,codkar ah ,an ogalayn inqof somali ladulaysto,waxaan kudhashay Gabiley waxaan kusoo barbaaray Muqdisho ilaa hoose dhexe sare jaamac.waxaan ahay 50 jir hadaan jaale siyaad iman hogaanka dalka waligay xataa elemetarka kamaan baxeen waayo jaanis umalahayn waaridkay inay iidiraan iskoolka.waxaan maanta kunoolahay Gabiley oon ka ahay injineerwax dhisa ilaa Hargaysa Barbara Burco.waxay ku doodaan siyaad baa dumiyay ana waxaan iraah daa ilaa haduu dhisaa. Ilaahoow Janadii fardowsa kaa waraabi AAAMIIIIIIIIIIIIIN:
guul sidahii somaliga illaah ha unaxariisto geesigii soma jeestaanka ahaaaaaaaa
written by cali mahada , October 11, 2010
waad salaamanti dhamaan walaal laha xusuusta dheeraadka ah aay ku reebtay taariiqdii jaalle maxamed siyaad barre waa hugaamiyihii umada somaliyeed waan mid aan hilmaamidoonin hadii aanahay umada somaliyedd sidee hagar daama la aanta eheed ee uhugaamiyaay dowladii kacaanka october waxaan illaah ka rajaaynaa in uu nuugu badolo mid lamid ah marxuun maxamed siyaad barre
Mr.
written by Prof. Aden , October 20, 2010
Waxaan aad ugu mahad celinayaa dadka sidkan sameeyay oo ay suurto gal tahay in ay sheekadda hogaankii jaalle Maxamed Siyaad Barre maqleen balse aysan ggob joog u ahayn siddii dalkiisa u hogaamiyay.
Balse haddaan idiin soo koobo; 1. waa hoggaamiyihii Dhisay wadada dheer ee isku xirta Jawiil iyo kala bayr taas ah 1550km. hortina waxaa jiray 350km oo ah wadada isku xirta Xamar iyo Beladwayne.
2. waa hoggaamiyihii dhisay wadada Garowe iyo Boosaaso 300km. 3. wadada isku xirta Xamar iyo kismayo 540km. 4. dhamaan wadaayinka magaaladda Xamar marka laga reebo wadada Guriga ummadda ilaa Beexaani , Bar liido ilaa km4 wadada. Hadaan wadaooyinkaas idin xusuusiyo waxaa ka mid ah; wadada sodanka, wadnaha, Maka Mukarma, Kaaraan, Balcad, Tawfiiq, Genaral Daud, ubaxa, Howlwadaag, Dabka, shaqaalaha, Taleex, warshadaha, Wado Mariixaan, Nasiib Buundo, Deyniile, wadajir, Xoosh iyo kuwo kale oo ku qiyaasi karo 3000km. 5. Labadda wabi ee shabeele iyo Jubbo waxay lahaayeen oo kaliya Afar buudo oo kaliya waxaa hogaankii Jaalle Siyad laga dhisay 24 kale iyo 4tii hore oo la cusboonisiiyay lan wayneeyay. 6. Horumarinta beeraha, Warshadaha, Xoolaha, Maamulka iyo xarumahooda. 7. Qoritaankii Afka Somaaliga 8. Aburitaankii jamacaadda umadda 9. Dhismihii degmo kasta ugu yaraan hal dugsi sare ka dib markii laga simay h/dhexe.
Siyaasedda. 1. Xorayntii Jabuuti, Somali Galbeed oo maanta maamul hoosaad leh laakiin markkii ugu horaysay mapka Ethiopia uu ka muuqday dhul Somali leedahay waa guushii dagaalkii 77 iyo taageeraddii hoggaankii kacaanka ee Tigreega, xuquuqda reer NFD oo maanta maraya ilaa ku xigeenka barlamaanka Kenya meeshii loo yaqaanay shufto oo macnaheedu yahay tuug ama dadka wax halayn u nool. Part I
no
written by yellow wadani nasiib daran , November 12, 2010
asc aaaaaaa oh oh oohin dhab ah marka xigta aabaha taariqiga ah allaha una xariisto janadana ilaah boos sare haka siiyo soomaalina illaah sanar haka siiyo taariiqdisa hala dayactiro waxaan hadalka ku gaba gabeeyay oohin aan dhamaan


dal hal wadani ah la haa haduu dhintayna la waayaya
written by abdikadir , November 21, 2010
waxa uu ahaa halka nin ka ah oo ka shaqayn jiray hormarka umada la yiraahda somalida kana daba keenay dawladaha horu maray haday ahaan lahayd awood milatry iyo mid dhaqaale in kastoo calooshood u shaqaysatayaal aan wax dan ah kalahayn somaliya ay burburiyeen

Afar sano ka dib Kacaankii 21 Oktoobar....;
written by By dalmar , November 22, 2010
Sida ka muuqato shirkii lagu qabtay Dalka Marooko, Caasimadda Rabaat, Markuu
Kacaankau jiray Afar sano oo qudha, ayey Somalidu noqotay Nambarka Afraad Quwada
Ugu Xoog badan Xaggaq Millitariga Qaaradaq Afrika, marka lAGA REEBO, mASAR, sAUTH-aFRIKA
iyo Nayjeeriya.
Markaas ayaa lagu maamusay Dawladi Somaalida ee xilligaas inay gudoon u noqoto xoreynta
dalalki Afrikanka ahaa ee Markaas la gumeysanayey, sida Musambiik, Angola iyo kuwo kale,
waxaana hoggaankaas ka dhashay inay dalalkaas iyo kuwo kale iska xooraan reeryadi Gumeysiga,
Akhristow taasi waxay qayb ka tahay waxqabadki9 iyo kartidi Kacaankii 21 Oktoobar,
Waxaa isweydiin leh yaa riday Dawlaadaa, waxa riday quwadihi waaweyna ee waxs gumeysan jiray
oo kaashaday caloosl-ushaqaystayaal gudaha joogay oo waxa ay yihiin qof walbaba ka dharag san yahay. Waxaa isweydiin leh Gumeysiga waa a gartay hadafka uu leeyahay, laakiin canaasirtaan
waa maxay dantooda, mise gaareen, kaliya waxay u fududeeyeen quwado shisheeye inay 20 sano iyo ka badan ay guranayaan badihi Somalida oo qolo walba Markab dhigatay oo Kulli ay isugu
habr wacdeen, Dabdhilfki iimaalaawaha ahaa ee Munaafaqa ahaa ee lagu shaqaeystayna ay noqdeen
kuwo hungoobay; wax dhintay oo asaga oo xabad ridayo la dilay, wax moral xumo u dhintay, wax wali meelaha seegseegayo. lacag xaaraan ah intuu doonaba ha haysto, iyo kuwo ayaga oo Alle agtiisa ku ihaanaysan, shacabka Soomalida ahna agtooda ku ihaanaysan Reero Shisheeye ah muskooda taagan. walow qaarkood ayba ku faanayaan xabada anaa billaabay, dhiigga anaa billabay, mana ahan wax lagu
faano Umad Ilaah abuurtay inaad ku faanto anoo mooryaannimo u bilabay, badayna ciilka iyo
dulliga ay maanta ku jiraan.
Ugu danbaynti Allaha u naxariisto Jaale Siyaad iyo inta kale ee la mooralka aheyd, inti dhimatay
Allaha u naxariisto inta kalene Tawbad Allaha waafajiyo,
Waayo 20 sano oo xukunka ah hayeen waxba nagama tabcan ee shacabka ayey u tabceen.Waxaa soo baxaykuwo labo sano ka yar daaro dhaadheer ka gatay Malaysiya, Masar, qaarkoodna waxayba gateen Gurigi uu lahaa Jhoon Garaan ee Nayrobo oo dhexdiisa Airopoorto ku yaallo. Dhibse ma leh
Alla la xisaabtami doono, walina Amxaaradi ay soo kaxeeyeen ayaa ku jirta qalcadihi qaaliga nagu
ahaa ee dalka iyo dadkab laga difaaci jiray lagana hogaamin jiray.
Alla Kariim, xisaabi waa danbaysaa, qof walbana maro cad oo kaliya ayuu qabriga la gali doonaa,wax kastaba ha boobo kuwo aan aakhiro iyo cadaabka ka difaaci doonin ayuu uga tagi doonaa.
Ugu danbayntii Allaha u naxariisto Abwaanki yiri Taariihdu dadkay bartaa, dunida way tusaalaysaa,
















Afkiinna Caano lagu qabay
written by By Goob jooge , November 24, 2010
Nabee nooma talin , maskax nooga roon nacabkaa ha jabo, Nacas iyo nin Ragaa
markay Madax noqdaan yaa lakala nacaa. Ereyadaasi waxay ahaayeen murtidii ka turjumaysay
hoggaanki wanaagsanaa ee Kacaankii 21 Oktobat.
Maantana Xil dhallan gartay waynaa, dhallinti dhalatay 90kii , markay dhageysteen sheekooyinki
dadki goob joogga ahaa, arkeenna waxa maanta dhacayo oo xumaan nooc walba ah, halaag nooc walba ah, Bad iyo barriba ka dhacaya, ayey iyaguna qireen waa dhallinta cusube in dad waxmagarad ah
sida hadaba ka muuqato ay dal iyo dadba u gafeen.
Waxaa taariikh iyo runnimo noogu filan marki Dawlad ka mid ah necebka dadkeenna Wasiir sare oo ka tirsani uu si cad ugu khudbeeyey, fiicanaa marka cadawgaada uu qarin waayo dadnimadaada, ninkaasi waxa uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Kenya, asaga oo la hadlaya Caadaqaatayaasha, kuwa
xildhibaano ku sheegga ah qaarkood, kuligood ma wada xuma balse intooda badan iyo gaar ahaan
hadba hoggaanklooda oo laga soo xulo dalal shisheeye, waxa uu iydhi Wasiirkaas u dhashay dalka KEENYA,war Baarlamaanow, sida isu dhaama oo mar kale dalalka dariska ah ha idinka masayreen, oo uu ula jeedo Taliski 21 oktobar oo uu madax ka ahaa allaha u naxariistee HALYEY Mudane Maxamaed
SIyaad,
qof walba wuxuu qabtaa taariiqda ayaa xusto
written by cabdi fitax xusen suldanka , December 22, 2010
madaxweynihi jamhuriyada somaliya ahaana taliyihii guud ee ciidamadii qalabka siday sareyo guud jeneral maxamed siyad bare wuxuu mid taariiq cad oo iftiimeeysaa uga tagay somalida nadifka ah iyo dhamaan qaradan africa ee aan ku nool nahay dal walba oo african ah ama carab oo umada somaliyed ixtirama waa mid asaga uu inoo jeexay wuxuu ahaa mar dhalad allah somali ka dhigay oo aanan helin dabadii meelha magacyadiisa ku xadhan yihin ee an africa ku arkay waxan ka mih ahaa mohamed siyad bare strela oo ku taal casimada muzambiik wuxuu ahaa madaxweeynihii african ahaa ee ugu horeeyay xabsiga ku soo booqdo halyeeygii madoobaa ee xoriyada south africa nelson mandela wuxuu ahaa ninkii xooga ku soo furtay markabkii aay naga qabsaden tanzania ee shixnada noo siday waliga asagoo ku xernan caasimadooda dara salam e tanzania oo aay ka soo fara maroojiyeen ciidamada bada ee somalia ayaduu uu armay jaali siyad ciidamada bada qeeybta kismaayo wuxuu ahaa ninkii amray in 24 saac gudohod madaxweeynihii hore kenya ku sii daayo somalida uu garisa ku xer xeray asagoo rabay in uu gubo sidii uu ku sameeyay madaxweeyhiii hore ee joma kenyata reer wajeer 12 saac markaay dhamaatay ciidamadii qalabka sida ee somali iyo dababadahooda dagalka waxay taagnaayeen xuduuda dhobley ee somalia iyo kenya ayagoo diyaar u ahaa in aay fuliyaan hadii 12 ka saac oo kale dhamaato amarka madaxweynaha balse baqdin darteed inta uusan waqtiga dhaman madaxweeynihii kenya ee xiligaas daniyal armooy uu ooda ka qaaday dadkii uu sharci darada ku heeystay marka madaxweeyne siyad somalia oo kaliya madaxweyna uma usan aheey ee wuxuu mid eeganaya somalida oo dhan loogana baqayay waxan allaaha sare ee awooda aan xadidnen leh uga baryaayaa in uu jandii geeyo anagana na tuso in uu ahaa mid taariqdeeda qaali ku ah xaqiiqadii aad baan uyaraa markuu dalka katagay 1991 waxan jiray 8 sano hadana waan jeclahay in aan wax ka barto qof walba oo somalia wanag u sameeyay by cabdi fitax xuseen imail adress ileys32@hotmail.com thaks dhamaantiin
Dhab u fiirso dheel ma joogtee
written by Maxamed , December 28, 2010
Shalay allaha u naxariistee wixii dhisme ahaa ee siyaad laga dhaxlay ayey maantay ku yihiin dawlad Waqooyi galbeed iyo waqooyi bari soomaaliya weli xukuumado goboleed isku sheegyadaa mid dhisme la yaqaan ku soo kordhisay ma aragno waayo somali land waxay dakhli ka heshaa garoonkii diyaaradda hargeysa iyo dekedii berbera Puntlandna waxay risiq badeen dekedii yareyd ee boosaso. Ilaahow Maxamed Siyaad oo kale u soo saar soomaali.
Ex shaqaalihii dowladii kacaanka ee hormuudka ka ahaa allaha u naxariistee jaalle siyaad
written by Maxammed Cali Maxammed , December 28, 2010
Email.alloow12@hotmail.com

Marka hore waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan Ummadda Soomaaliyeed meelkastoy
joogto. intaa kadib waxaan jeclaan lahaa. in aan halkan Salaan uga soo gudbiyo
Maamulka iyo shaqaalaha webkan. oo runtii aruuriyay taariiq la taaban karo
oo ay aqristaan ama ay dhageystaan.runtii waxaa aad u yar dadka soo gaaray markaan qaranka ahayn. una baahan in ay arkaan ama maqlaan wixii la soo maray.
He was a man!
written by Mohamed Farah , January 27, 2011
Walaahay Ilmo ayaa iqabanaysa marka aan dhegaysto Khudbadihiisii.......In kastoo aanan Nasiib u helin in aan soo gaaro Madaxweyne Siad Bare...Am 22 years old.

I regret, Waa maxay dal aynaga dumiyeen....

Ilaahay Baa Somaali umaqan.
...
written by ABdirazak , April 14, 2011
Allah ha u naxariistee jaale maxed siyaad bare waxa uu ahaa nin wadani ah oo jecel dalkiisa gumeystana neceb taas waxa i tusinaysa qudbadihiisii aan dhwgaystay oo uu ku sheegay gumeysiga sida uu jecel yahy burburka dalka geesi allahkuu naxariisto somali halka ay maanta taalo iyaga ayaa isu wacan markii xabshi iyo cid kasta la so dhawaystay
xubin barlamanka fedaralka kmg ee jamhuriyada somaaliya ahne menber world muslim congaress
written by xildhiban osman bube yusuf roble , May 20, 2011
rurtii marlabaad iyo maraar badan ayaan halkaan ku cadeenayaa in aan marnaba aan iloobi dooni jaale siyaad iyo wax qabaadkiisii walaahi waa ruun taariiqdaadu waan dtayactireenaa qalan dahab iyo diiwaan xariir ayaan ku dabaceynaa ilaah subxaane watacaalaa ha ku raxriisto firdoosa janadii ha ku geliyo aamiin
wadani soomaliyeed
written by yusuf dhiblawe , June 21, 2011
alle ha unaxariisto jaalle siyaad umalayn maayo in nin jaalle siyaad cml ah aan heleeyno ama uu dalka soo marayo wlh ninkaas ni wanaagsan uu ahaa ilaahay janadii fardoowso haka waraabiyo kuwii dowladiisa iyo wadankaba naga qasayna inuu ilaahay ka abaal mariyo
halkaasi kasii wada jaale siyaad
written by allabari , July 13, 2011
waxaan salamayaa cida isku haw shay ee fududaysay in aan maata dhagaysto heeso aan in yar uun kamaqlay oo kooban waaban yaraaye oo arday ayaan ahaa dhigta 8 aad 1991
markaasi inkasta oo an yara maqlay hadana badankooda halkan ayaan aad uga dhaqaystay wanand ku mahad santihiin cida habaysa,waxaad qabateen hawl badan,waxaan mudantihiin abaal marin,
s
...
written by cismaan cali dharaar , November 28, 2011
ma helayno siyaad oo kale geesikii afrika ee gumeysiga necbaa illaahay ha u naxariisto hana ka abaalmariyo wixii u usooqabtay somaali
Daaweye allaha kuunaxariisto
written by nafiisa , March 07, 2012
Wax alla wixii uu Jaale Siyaad ussoo halgamay oodhan wey ku tunteen. Gumeysigii ayey dib noogu celiyeen. Dowladan hadajirta qofkii aay u arkaan inuu umada wax uqabanayaba wey casilaan. Ilaahow naga qabo waxay nagu wadaan in nala kala qeybsado. Ilahow unaxariiso siyaad Bare
Doogga noo horseedaye, Allaha kuu naxariisto.
written by Quman , October 24, 2013
Heesta waa Doogga noo horseed Siyaad. Allaha u naxariisto Maxamed Siyaad Bare, janatul fardowsal aclaana ilaahay haku abaalmariyo. Maanta Soomaali qof waliba waa ogyahay wuxuu qabtay, mid nacayb ka buuxo iyo mid kaleba. Dowladi kama horayn kamana danbayn tii Melitery-ga ee dhalatay 21 oktoobar 1969.
Allaha Raxmaanka waxaan ka baryayaa intii dhimatay iyo inta nool ee golihii sare kacaanka inuu unaxariisto. Qofkaan beni adamka u mahadnaqin allaha abuurtay uma mahadnaqo.

Ilaahow Unaxariiso MAXAMED SIYAAD BARE

Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search