You are here: Home Maqal Heeso Qorista Afka Soomaaliga - Maxamed Xarakor
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Qorista Afka Soomaaliga - Maxamed Xarakor

E-mail

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Share selected track on FacebookShare selected track on TwitterShare selected track on Google Plus

Comments (8)add
Asalraac
written by Majabe , November 13, 2014
waxaa dad badan isku dayaan in ay qariyaan ama been ka sheegaan Taariikhdii wacneyd ee kacaankii Soomaalida ilbaxa ka dhigey. waxaa kuwaas qaadaya mowjado culus oo waddani ah , waxaana kacay dhallinyaro aqoon bdan leh oo mar walba garaneysa dhagarta laga galey dalkooda iyo sida cadowga loo jabiyey dadkooda.
Waqtigi aan koreyey waxaan la korey qab Soomaalinimo , waxaa dalka madax ka ahaa madaxweyne isku kalsoon oo aaminsan macnaha runta ah ee sooaamliyeed, kaas oo hoos u dhigi jirey cadowga Soomaaliya. waxaan heley aqoon iyo wax barasho lacag la,aan ah markii aan Dugsiga sare ka baxay waxaan waddankeyga ka helay shaqo.
Dhallinyarada maanta waxay indhaha ku kal qadeen qabiil, gaajo ,Qax Argagixisnimo iyo madax Laaluush qaadadta ama lagu doorto.
Taariikhda uu smeeyey kacaanku waxaa iska leh Umadda oo yaan la qarin xaqiiqda.
waan hubaa in aad arki doontaan Taallo uu leeyahay jaale siyaad iyo xibiyo loogu magacdaro jaalle Siyaad.
Wax qabad
written by Abdulakadir , July 15, 2015
Markaan Hesatan maqlo waxaan xusaasanaa Urrurkii dhalinyada kacaanka Soomaaliyeed Asxaabtii ama gudigii fulinata Sida Salaad Cismaan Rooble , Nuur Faqi , Maxamed Xarakow , Maxamed farax, Cabdilaahi Ciise oog , Ibrahim Rooble . Siidow xasan Xuseen , Calasow , Cali ebow , Maryan cali Muudey alla ya raxma.
Xaawa Saciid , Sahra Daantuush , Waa xusus oo kacaanka la aantii aan ilawi karin Allow kuu naxariisto maxamed siyaad



hooyo soomaali
written by xaawo qaran , October 27, 2015
Aad iyo aad lama soo koobikaro waxqabadkii lama iloobaanka ahaa ee madaxweynihii qaaliga nagu ahaa aabbihii kacaanka marxuum alla u naxariistee maxamed siyaad barre.
Taariikhdii Kacaanka ma Siyaad Barre leh mise Soomaali leh?
written by Siyaasi Soomaliyeed , April 19, 2016
Maxamed Siyaad wuxuu ahaa hogaamiyihii kacaankii 21 Oktoobar, hase ahaatee kacaanka waxaa dhaliyay islamarkaasna hirgaliyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Maxamed Siyaadna kaligii wax ma qaban kareen haddii aan hiil iyo hooba Soomaalidu la garab taagnayn. Kacaanku wuxuu ummadda Soomaaliyeed hoggaaminayay muddo dheer oo aysan suurtogal ahayn in taariikhda laga saaro. Taasi oo haddii ay dhacdo ay lumayso qaybaha ugu muhiimsan taariikhdeenna. Marka ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan siyaasiyiinta waxaan u soo jeedinayaa in ay isu miisaamaan waxa ay luminayaan iyo waxa ay helayaan marka ay qariyaan ama duugaan taariikhda kacaankii ummadda Soomaaliyeed.


Wanaagaa fiican
written by Jaale soomaali , November 29, 2016
S.c
Soomaaliyeey waxa wanaagsan sheega ee aynu waxa xun iyo wax tagay iska dhaafno. Aduunyadu way na dhaaftay. Inaguna waan soo noqonay.
Waa Dhab Duminitt Kacaanki Soomaaliyeed waa la eedey , Qofkii diidan iyo qofkii ogolba
written by Dalmar , March 03, 2017
Aniga qudheyda waxaan ka mid ahaa inkasto oo dad badan aysan aqoonin magacayga, hadana waxaan Macallin Iskool, Maamule Dugsi-dhexe-Hoose, hadana waxaan ka mid ahaa YRURKI DHALLINYARADI KACAANKI SOOMAALIYEED,waxaana ka soo qabtay xilal muhim ah sida Guddoomiye Urur-dhallinyaro ee heer Gobol, Waxaan xasuusta in aan waxbarasho dibadeed u tagay Dalki la oran jiray Midowgi -Suufiyati, gaar ahaan martiqaadka waxbarashadaas waxaa noo fidiyey Dugsigii Dhallinyaradi Komsomoliskaaya ee CAAASIMADDA Midowgi Soofiyeeti MOOSKO . Waxaana aan isku kooris aheyn Nuur fiqi iyo Xaawo Siciid, Cali Cadde AUN. Magacayguna waa Yusuf-Dalmar.
abwaan
written by jaamacroob , February 04, 2018
ilmaha iyo waalidkaba

afkooda hadaan la barin

miyuu imanlaa bulshooy

aqoon loo wada sinmiyo

adeegaad u kaashateen







shacbi
written by maxamed warsame , November 20, 2019
Marka runta lashago kacanki somaliya 1969 wax ween oo lataban karo ayuu ummadda somaliyed uqbatay,in kasto dad somaliya wax yelo kaso gartey,arintas oo qolaba si u'arkeyso,waxase lahuba Gen.maxamed Siyaad Barre ilahay ha'unaxariste in uu aha nin caqli badan oo hogamiye ah wadanka iyo dadka Qarkis wax ween oo lataban karo wax kaqabtay,khaladadna ka dhacay.
Write comment
smaller | bigger

busy
 
Custom Search