You are here: Home Maqal Heeso Guuleed bal ii sheeg - Maxamed Suleyman Tubeec iyo Hibo Nuura
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Guuleed bal ii sheeg - Maxamed Suleyman Tubeec iyo Hibo Nuura

E-mail

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Share selected track on FacebookShare selected track on TwitterShare selected track on Google Plus

Comments (47)add
Qiira wadani
written by Mahmaoud , July 24, 2011
waa qiira wadani nin walbi ha hadlee siyaad barre ka galay taarikhda baal dahab iyo qaar badan oo ka mid ah Hoobaladii waaberi.
Wax qarsoon ma aha in geesigaa lagu fududaaday
written by niini mohamed , August 07, 2011
Waxaan qiraayaa inay dambiile tahay adduun aakheroba intii ka dambeeysay duminta kacaanki h/wadaagga ahaa ee uu hormuudka ka ahaa jaalle MOHAMED SIYAAD BARRE janadii firdoowso allaaha siiyo iyo intii la shaysay.
waa xasuus gabar yahay ba ii sheeg
written by AHMED CALI WARSAME CILMI , August 14, 2011
waxan oran karnaa ama aytahay in aan cafisa waydiisano aabe siyaad iyo eheladiisa
Waa lagu tabay: Qabriga ALLAHA kuu qaboojiyo Jaalle SIYAAD.
written by Abdullahi Mohamed , August 16, 2011
Waxaan shaki ku jirin qof jeclaa iyo mid diidanaa, in Jaale Mohamed Siyaad Barre uu
ahaa astaan midnimo, qaranimo, gumeysi diidnimo, iyo qab soomaalinimo. Waxaa
xataa qirayo cadawga Soomaaliyeed. Wixi danbi oo kaa dhacay ALLAHA kaa
dhaafo, amiin. Waad gudatay waajibkaadi Jaalle Siyaad.
Mr
written by Kamal , August 20, 2011
Waxaan Shaki Kujirin Inuu Jaale Maxamed Siyaad Bare Ahaa Ruug Cadaa Ka Dhashay. Dad Ay Qadiyadu Kuyartayhay.. Allow Kuu Naxariiso. Ameen.
wah wah
written by Ibrahim , August 23, 2011
Alla yarxamu jaalle maxamed siyaad madax weyne xaq ah dal iyo dadna kama danbayn
yaa garan kara?????
written by houston , August 26, 2011
siyaad wax uu ahaa ba waa la tagey camalkiisii akhiro somalina wey is la daashey lakin mar ka loo eego dhanlinyarta maanta ee aan nasib u yeelan meel calan somaliyeed ka lu lul mayo ayaa xaal mardin doonaa waan maqlaa uun dowlad lakin waxey tahey ma aqaano ka soo bilow 1991 ilaa hada ayaa dhalin yartaa mustaqbal koodii qaba makey oyagu wax bateen bey qalinkii qori ku badasheen hadan ahey wiil somalia waxaan ka sugeyaa intii i ga weyn oo dhan mustaq belkeygiii somali waa kuma ?
qof kasta oo somali waxa uu rabaa madaxweyne hhhhhhhh xitaa ani ku dhoo aan ka sheekeyna be wixii tagey lakin maanta waxa taagan waa ogtihiin qof na looama sheekeyn karo waleyaal i love umad somaliyeed calan somaliyeed makasta iyo wakhtikastaba
hirsi
written by m , September 01, 2011
waxaan salaamayaa inta ka shaqeysay webkan inaan helno akhris,dhageysi iyo daawashaba,
sheekaduna maha (ninba ceesaanti ceelkeen)ee waa taariikh soo jirtey iyo mid baaba'adey
qofkastoo soomaaliya wuxuu la socdaa taariikhda dowladii ugu dambeysay ee m.s.barre,allaha u naxariisto isaga iyo waalidkeenba,
waxaan soomali urajeynayaa iney kabaxdo dhibaatada muddo soo saarneyd ee caalimka uu wax walba nagu sifeeyey ilaa layiraahdo unta waxay ka baqeysaa iney soomaliya uhorseedo in la noolaan karo dowlad la'aan.thanks
swedhan
written by wadani , September 04, 2011
alla yaa raxama wax kale ma dhihi kari in kasto oo aan arag dowlad somaaliyeed laakin siyaad baare soo ma ahan madaxweenihii 21 sano somali soo haaye taa waxxan oo la jeeda sida eey u dhaqmaayan mar kaat aragto waxxad is weeydiineesa war ku wan madaxweeynihii 21 sano haaye dul qaad badnaaya ilaahow ku naxriiso maxamed siyaad bare
tariikhda ayada is qorta
written by ali osman , September 05, 2011
xoogii ciidamadeenii ee kacankii 21oktobar horseedka u ahaa ee ina soo maray maaha wax la xaqiri karo walina raadkoodii wuu muuqdaa wayna soo laaban doonaan waliba insha allah

we miss them realy
taariikhta ayada is qorta
written by mustaf , September 09, 2011
alaha u naxariisto macalinka kacaanka kadib dowlad danbe lama arag
Cadow ka oohiye
written by Abdullahi Mohamed , September 14, 2011
Waxaan shaki ku jirin in cadowga Soomalliyeed uu ku necbaa, wadaniga ku jeclaa. Wixi
danbi ah oo kaa dhacay allaha kuu dhaafo, sababtoo ah ilaah un baan khaldamin, amiin.
mr
written by abdiwali , September 21, 2011
waxaa aan leeyahay jaale siyaad ilaaheey naxariistiisa jano hakugu abaal mariyo waxaad astaan u ahayd midnimada umada soomaaliyeed qaranimada iyo qab waynida soomaalinimo waayo lama arag xitaa wax meel kaaga eg ama astaantaadii oo kale la yimid

prof
written by abdiwali , September 21, 2011
waxaan qiray inuu ahaa nin soomaalinimo ku wayn tahay laakiin lala garan waayay ilaaheey haku abaal mariyo janadii fardoowsa waa uu kasabaday
jaale siyaad waa halyey soo maray somaliya
written by maxamed deeq cali hilowle. , September 28, 2011
Waxaan leeyahay jaale siyaad waa halyey soo maray somaliya allaha unaxariisto wadani ayuu ahaa maanta lama arkaayo siyaasi soomaaliyed oo hal meel ugu dayan karo waayo waan araknaa 20 sano kadib hakaan maanta aduunka kajookno
Eng
written by Gadiid , October 04, 2011
Maxamed Siyaad Barre "AHN" wuxuu ahaa halyey somaaliyeeed oo waddani ah, cid gaadhi karta waddaniyadiisa iyo waxqabadkiisana ma jirto.
Soomaali waataa iscunaysa ee garn la'a waxay isku haystaan iyo si ay u heshiiyaan, lamana filaayo in dawladii siyaad barre mid la mid ah ama ku dhawi soomaali u dhalato.

Eebese waxba kuma aha inuu soomaali mar labaad isku keena waananka rajaynaynaa. aamiin amiin
Dowlad wa tiihore ee halyaygii mxamad siyad barre
written by C/risaq farax , October 18, 2011
Wxan ah arday dhigta jamada Amoud wxana kasojeda gobolka Hiiraan ee magalada B/weyne walina ma arag dowlada somaliyed iyo calan lulanaya wxana dhahi kara siyad barre inow ahay geesigii somaliyed iyo inow ahay nin naceb gumeystaha. Camalkiisana allah aya naga yaqaano
Taariihku waxay ka qoridoontaan Hogaamiye M. siyaad Bareh Taariikh mugwayn oo Jiilasha danbe ee aan u yeelan Nasiibka in ay la kulmaan ayey helidoonaan siday u fahmaan ,shaqsiyadii guud iyo midii gaa
written by Mr-Qalib Said , October 29, 2011
Mohamed Siyaad waxuu ahaa Halyey Qaran iyo Nasiib ummada Soomaaliyeed soo marey. Laakiin way hanan waayeen.
waxuu ahaa Wadani,geesi daacad iyo runtii hogaamiye dhinacwalba ka dhisan.waana nasiib daro in Taariikhdiisa wax laga qori waayo.waxaanse fili in shallah haddi alle idmo in wax laga bidhaamiyo taariikhdii muga wayneyd ee Mohamed siyaad Barre wax laga qoro ayna soomaali u noqoto dhaxal.
Xorbaan ahayn
written by Ahmed , November 29, 2011
Mohamed S Bare runtii wuxuu ahaa geesi qabkii somaali lahaan jiray leh.xabashi iyo sawaaxili waan kasaraynay Muqdisho ayuu ahaa xafiiskiisu mahahayn Adiss ababa
...
written by Abdullahi Ifka , December 04, 2011
Salaama calaykum walaalayaal, waxaan salaamaayaa dhamaan ummadda soomaaliyed meel kasta ha
joogtee. Jaalle siyaad waxaa uu ahaaba ummadda soomaaliyeed ayaa hori utiri. heeso badan ayaa nool
-oogu tilmaamay waxaa ka mid ahaa kuwan hoose ku qoran.

*Soomaaliyoo idil kii nabad sidayeew sid riga iyo laabtaan kaa salaanay aabbe siyaad
subax walaba, saacad walba saadir kaan u barinaa sareeyaheenu ha ahaado aabbe siyad.

*Waynu mahadinay mahadinay madaxda sare maasha allaah mahadinay maxamed siyaad.

*Aqli xumadi waan ka baxnoo umadahii isdili jiray baa aaragudashadii ka haroo
*Ma ogtahiin ayaanka waan ognahay, soomaliyoo idil ayaan ku leeyahay oktoobereey.
lama soo koobi karo siyaad barre waxaa uu dalkiisa iyo dad kiisa u qabtay. cidina maqarin
karto. waayo waa wax cad oo muuqda. kana muuqda meelkasta oo aad fiirisoaba.
waa geesi,wadani ,halyeey ay taariikhdu qori doonto. allaa yarxam aabbe Siyaad.
DR OF NURSE
written by CALI WEYNE , December 18, 2011
Wxaan leeyahey jannadii alle ha ka waraabiyo m. siyaad barre wuxuu ahaa nin karti badan jecelna waxa ladhaho wadaniyad ama qaranimo aniga markii aan iska soo qaado waxaan maanta ka shaqeeyaa italia waxaana ku shaqeeyaa sharaf &wanaag uu igaarsiiyey qofkaas isaga ah aniguna aan dadaaley,sababtoo ah waxaan ku dhashey baadiyo xamar waxaan kusoo galey xirnimo waxaana danta &awooda dowladnimo aan ku heley waxbarasho iyo dadaalkeyga
Secretary General of Somali Community in Ethiopia
written by Avv. Abdiaziz Ahmed Abdullahi,, Baarlamaan,, , December 25, 2011
Salaan kal iyo laab ah kadib, marka hore allaha u naxariisto aabbaheenii qaaliga ahaa Maxamed Siyaad Barre jannadii fardowsa allaha ka waraabiyo ummadda soomaaliyeedna samir iyo iimaan alllaha ka siiyo. aamiin.

Kadib, qiiro waddaniyad ayaa i hoggaamineysa mooyaane mahayo wax aan sheego, waayo, wax walba oo aan sheegi lahaa horay ayaa loo soo sheegay, laakiin ugu dambeyntii anigu waxaanba qabaa in Maxamed Siyaad Barre uu ahaa qof oWliyo Ah.

Sidoo kale, waxaaba macquul ah oo inoo muuqata in Maxamed siyaad Barre uu ahaa qofkii lagu soo qatimay jagada madaxweynenimo ee dalka soomaaliya maadaama jagadaas lagu soo billaabay Mudane Aadan Cabduulle Cusmaan, taasoo lamecna ah in Anbiyada uu ugu horreeyay Nebi Aadam laguna soo qatimay Nebigeena Maxamed, nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.
wax aan soo laabayn
written by abdulqadir sweden , December 27, 2011
mohamed siyad barre waxa uu ahaa geesiga Afrika waxana taa daliil cad u ah afrikanki uu hor joogay oo ay ugu horayso cadowga ethiopia iyo kenyadii oo boliska ugu dharan jiray ugandhadii uu tansaniya ka celiyay kuli hada waxa ay diyaar u yihiin in ka faaiideestaan madama uu libaaxiii uu meesha ka baxay MESSHA BAHALKEEDU DHINTAA BAKAYLEHEEDU BUURAHA FUULAA
Mohamed siyaad barre geesi aan la qarin karin ALLAHA U NAXARIISTO
MR
written by G A JIIJIILE , December 27, 2011
ASC

WAXAAN ANIGU RUNTII UGU YEERAA 'MOWJADDII' JAALLE MAXAMED SIYAAD BARRE. RUNTII KU MA SOO KOOBO KARO DHINACA AMAANTA UU MUTEYSTEY.
WAXAAN LEEYAHAY UGU DANBEYNTII MADAXWEYNAHA ALLAHA UNAXARIISTO, AMIIN.
WUXUU AHAA MAXAMED SIYAAD BARRE, NIN RAG AHNA LOO SHEEGI MAAYO, DOQONA WAA HALKEEDII!!.
WABILLAAHI TOWFIQ
G A. JIIJIILE
Hadal aan ka soo xigtay Wasiirro sarsare oo ka tirsan Dawladda Angola, Afrika
written by musdafa, Hollanda , January 01, 2012
AbaAL SHISHEEYE LOO GALAY OON WALIBA NAGU DIIN AHAEYN A Y INTA GARTEEN AY ILAA MAANTA KA ABAALGUDAYAAN. WAA MAXAY ABAALKAAS, WAXAAN KA DHGWEYSTAY IDAACAD CAAN AH WASIIRRO HAATAN KA TIRSAN DAWLADA ANGOLA OO SIDAAN YIDHI.
SABABTA MAANTA SOOMALI BADAN AAN UGU SOO DHAWEYNAYNO DALKEENA ANGOLA, WAXAA KIA MID IN XILLIGII AAN AHAEYN GOBANNIMO DOONKA SANNADADII TODOBAATAMEEYADII IN RAG HAATAN KA TIRSANWASIIRADA IYO DAWLADDA ANGOLA AYAGA OO CARRUUR AH OO ARDAY PRESUDENT SIYAD BARRE, IYO DAWLADIISI AY WAXBARASHO IYO HOY NAGA SIIYEEN DALKOODA, ISLAMARKAANA AY SI FIRFIRCOON UGA QAYBGALEEN DIB U XOREYNTA DALKEENA ANGOLA.
WAXAA MARKAA LA YAAB LEH , XIL NIN SHISHEEYE AH GARTAY KANA ABAALGUDAY OO KUWA BADAN OO SOOMAALI AH AY NUUGAYAAN KANA SHAQEYSANAYAAN DALKA ANGOLA IN AY AYAGUNA ABAALISKABA DAAYE AY DALKI AY ORIGINAL AHAAN KA DHASHEEN AY WALI 21 SANO KA DIB WALI AY U HILOWSAN YIHIIN INAY DALKOODA CADOW K WAREEJIYAAN. NIN ABEESO KORIYOW ADAA U AAYI. NIN HOOYADIIS QORRAXDA U JIDAY CID KALENA WAXBA UMA TARAYO. WARLYOO KOOBAN, GEESIGA DHULKIISA GUUSHA U HORSEEDA GEERIDA DISHAA....
KU GABRAARATADA GUMEYSIGU KU DHUUNTA GALABSADA XUMAANTAA GEEDKOOD HA BA''O
...
written by cabdi jabuuti , January 05, 2012
ASC WR WB DHAMAANTIIN SOOMAALI WEEYN,ALLAH JANADDA FARDOOWSA U DEEQA GEESIGII,HALYEEYGII U DANBEEYEY SOOMAALI KA DHALSHA,MADAXWEEYNAHII SOOMAALIYEED ABAAHII XORIYADDA AFRIKA,;MAXAMAD SIYAAD BARE ,ANIGA OO AH SOOMAALI KA SOO JEEDDA XEEBTA JABUUTI,MAANTA 5TA BILSHA KOOWAAD XASUUS GAAR AH II TAHAY WAAYO ALLAH YARXAM MAXAMAD SIYAD BARRE 05186 AYUU NAGU SOO BOOQDAY MAGAALADDA CAARTA KA DIB SHIRKII IGADKA EE KA DHACAY JABUUTI, WAXAAN KU HEESNEY HEESTII CAANKA AHEED EE GUUL WADDE SIYAAD ISAGOO LA SOCDA ALLAH YARXAM XASAN GUULEED WALAALKIISII MADAXWEYNAHII XEEBTA JABUUTI INTUU I SALAAMAY BUU IGU YIDHII FANAAN BAAD NOQON DOONTAA 12 SANO JIR BAAN AHAA. ABWAAN BAAN NOQDAY.TIX GABAY AH BAAN ALLAH UGU BARYII INUU NAXARIISTO MAXAMAD SIYAD BARRE ; SUUGAANTU WAA DHAXAL,SALKA NOLOSHA WEEYAAN
SAHAL LOO ARGAA IYO SIFAHEEGO LALA SOCON SIYAAD SIDDUU YIDHII SABOOL DHAQAN AH WEEYAAN.

SAYIDKII AQOONTOO AABAHII SINAANTOO,SAAXIIBKII QARANKOO
SOCODKEEGA TAARIIKH SINAD WALIIBA SHEEKIYO SIFO LAGUU GARTA LAHEE
SOOMAALI DABADDAA SILIIC IYO DHIBAATIYO SAXARIIR KA DHAREGTOO SIYAAD WAAY KU TABEYSAA.

SUMCADDIYO WANAAGII SOOMAALINIMADDII SAMADDAY KU LAALEEN
SOO NOQOSHADDEEDANA SIYAADOOW MID KULA AH INUU SOO BAXAA
SAREEYAHA KA TUUGAA.

SAAXIIBKII SHARAFTOO,SAYIIDKII XORIYADDOOW,SANKU NEEFLE OO IDIIL
SAATIR MARKAAY U LAAMAN SAACADDA DHIBTEEDIYO
SILSAALKAA QIYAAMAHA SIBIQ INAD KU DHAAFTAA SAREEYAAN KA TUUGAA.
GOBANNIMADU OOYDEY , ILMO GABAX KA SIISAY , HUBKA, HUBKA,
written by Aweys, Dalka Holland , January 22, 2012
Afkiinna caana lagu qabay labadaas Ee Qran, waa Hibo Nuura iyo Boqorkii Maxamed Sleebaan,
Labadaas Hobol, waxay ka mid yihii Hobollada Soomaaliyeed kuwa ugu sharaf badan, uguna macquulsan,wsaxayna jecelyihiin Soomaalinnimada, qof kasdtaana kalsooni u hayo.

Miraha Heeskaas , ayaa ka tarjumaya himiladi sareeysay ee KACAANKI 21 OKTOOBAR.





















GOBANNIMADA WAA LOO DHINTAA, AMA WAA LOO GOAA,
waan qooma meeyaa
written by saciid ali , January 24, 2012
waxan ahay 61 jir kana mid ahaa ragii ugu horeeyay ee u dagaalmay jabhadii ssdf qaatayna qoriga si aan oo ladagaalano talis kii marxuumka aabo maxamed siyaad ilaahay ha u naxariisto anigoo ay iqaaday caadifad qabiil.runtii waxaan ani usoo joogay ina yeey (claahi yuusuf ) oo ilmaynaya markuu maqlay odaygaa baa dhintay, waxaan suaal u waydiiyey maxa kugu dhacay markaas ayuu yiri aniga iyo marxuumka isma cafin
XUSUUS DHACDO LA YAAB LEH OO AAN UGA SOO JOOGAY SIYAAD BARRE!
written by Maxamed Saraaye , January 24, 2012
Aniga waxan 1965tii ku dhashay meel Burco iyo L/Caanood u dhaxaysa oo miyi ah. Waa Dhulka quruxda badan ee loo yaqaan “Cayn iyo Saraar”. Reerkayaga wuxuu lahaan jiray Adhi iyo Geel. Ka dib waxa dhacday "Abaartii Daba-dheer 1974". Waxan nasiib u yeeshay inaan ka mid noqdo dadkii loo qaaday Koonfur. Dadkaas oo aad u badnaa waxa laga soo ururiyey dhammaan gobolada dalka ee abaartu ku dhufatay gaar ahaan Togdheer, Sool/Nugaal, Sanaag, Mudug, Galguduud, Bari, Bakool, iwm waxana lagu qaaday diyaarado dabeedna la dejiyey Kurtun-Waarrey, Dujuuma (Mareerey), Sablaale, Baraawe, Ceel-Axmed, Cadale, Jarriiban, iwm waxana markii danbe loo bixiyey “DAN-WADAAGAHA”. Magacaas "Dan-wadaagaha" waxa weli laga heli karaa Xamar waayo waxa jirtay meel loo yaqaan "Jiirada Dan-Wadaagaha" oo u dhow KM5.
Dadkaas waa dadkii ugu nasiib badnaa Soomaali qaxooti noqota. Runtii kuma sheegi karno qaxooti ee waxay ahaayeen dad reer miyi ah oo la “degaamaynayey” ama “settlements”.

Waqtigaas oo ahaa waqtigii dowladdii Soomaaliyeed calan-wallaynaysay, dadkaas waxa loo xannaanayn jiray si heer sare ah oo aan laga sheekayn karin. Waxa la siin jiray raashin nooc waliba, hilib, kalluun, daawo, dhar, iwm. Xataa waxan xasuustaa iyadoo dhowrkii reerba la wada siiyey hal teneg weyn oo uu ku jiro nacnac qori (lollipops) si carruurta loo siiyo. Carruurtii waxa lagu daray waxbarasho dhallinyaradiina waxa loo furay tababaro xirfadeed oo shaqooyin la siiyey. Raggii waaweynaana waxa loo ogolaaday inay u dhoofaan Wadammada Carabta oo beryahaa shidaalku u baqay dhulkooduna aad u dhismayey. Ka dibna waa kuwii muddo yar ka dib soo “degi” jiray iyagoo loo yaqaannay “jannaale” nimcada ka daadanaysa darteed. Taariikhdaas waxay ahayd taariikh Dahab ah oo ay soo martay Soomaali (dibna u mari doonto, insha Allah) laakiin aan u galo dulucda sheekadayda.

Degmadayada, xaafad waliba usbuucii maalin bay qaadan jirtay raashinka. Taayadu waxay u lahayd maalinta Arbacada. Markaa inta raashinka lagu soo qaado baabuur baa lagu dejin jiray meel bannaan oo xaafadda dhexdeeda ah. Ka dibna inta hooyooyinka qaataan kiishash iyo weel bay soo qaadan jireen garaamkooda iyadoo marba qoys uu xaadiranayo xisaabiyuhu isagoo kor u yeedhinaya magaca iyo waxay xaq u leeyihiin shay waliba (sonkor, bariis, bur, saliid cadday, iwm). Nin kalena wuu u miisayaa raashinka, iwm. Markaa Soomaali waad taqaan oo waa war iyo cabasho miidhan. Qaar bay waxay odhan jireen wixii dowladdu inoo soo dhiibtay la innama wada siiyo oo waxa xaqeenna cuna madaxda degmada.

Maalintii danbe iyadoo raashinka la qaybinayo annaguna ku ciyaarayno meesha agteeda, baa waxa hal mar si kedis ah usoo dul istaagay goobtii raashinka dhowr baabuur oo Land-Rover ah waxana ka soo booday niman badan oo labbisan dharkii askarta. Kuwii hubaysnaa markiiba waxay isku wareejiyeen hareeraha goobta, kuwii kalena dadkii bay soo dhex galeen. Intaan aad baa loo baraarugin, baa waxa la arkay nin xoog weyn oo sita surwaal gaab oo dul taagan xisaabiyihii xaadirinayey magacyada iyo isagoo cod dheer ku yidhi: “… Jaalle, qofkii imisa garaam oo sonkor ah buu leeyahay maalintii?” Xisaabiyihii oo la odhan jiray "Saalax-Midh**" baa isagoo garan la’ ninkan xoogga weyn ee dul taagan intuu kor u eegay oo u sheegay tiradii la weydiiyey isagoo yaabban oo indhihii soo bexeen! Ka dibna ninkii weynaa baa mar kale weydiiyey Saalax: “Bariiskana?” Saalaxna waa u jawaabay deg deg. Ka dibna waxan maqalnay dadkii oo hal mar isla kacay buuq oo leh “waa madaxweynihii, waa madaxweynihii” iyo qaar faraxsan oo sacabbinaya. Ka dibna madaxweynihii baa dhowr su’aalood weydiiyey dadweynihii dabeedna waxay fuuleen baabuurtii iyagoo deg deg u dhaqaaqay. Waxayna sii aadeen xaafado kale oo ay kormeerayeen.

Cabbaar ka bacdi baa waxa goobtii yimid Guddoomiyihii degmada iyo madaxdiisii oo kabash-kabashle oo iyagoo baqaya dadkii weydiiyey “madaxweynihii ma aragteen?” Ka dibna dadkii intay hal mar wada qosleen bay iyagoo canjilaad afka qalloocinaya ku yidhaahdeen “madaxweynihii ma aragteen! madaxweynihii ma aragteen! Xaggaad jirtay inta Madaxweynuhu Xamar ka imanayey ee degmadaada xaafad xaafad u kormeerayey!”. Isagiina maba sugine wuu sii cararay isagoo marba cid weydiinaya oo leh “madaxweynihii ma aragteen? halkee maray?”

Maalintaas magaaladu wax kale kuma sheekaysanayn aan ka ahayn sida Madaxweyne Siyaad Barre usoo kormeeray magaalada iyagoon maamulkii diyaar-garoobin. Dadku waxay aad ugu faraxsanaayeen inay madaxweynaha afkooda ugu sheegeen waxa la siiyo si uu ugula xisaabtamo Guddoomiyaha degmada oo ay ka shakiyeen. U fiirso madaxweynuhu wuxuu u yimid xaqiiqo-raadis wuxuu doonayey inuu shaqsiyan ogaado raashinka la siiyo qof waliba inuu yahay sidii loogu talo-galay iyo in kale… ..

Anigu taas baan u soo joogay! Waxaasaa Madaxweyne la yidhaahdaa!!!!!!!!!!!

Maanta Waxan ahaan lahaa odey Reer Miyi haddaan Madaxweyne Siyaad Barre miyiga naga rareen.
Al-Xamdu-Lillaah.
Qaybyaaladda iyo Qaadka Jooji Haddii Kale Iska Aamus!
written by Soomaali Dhab ah c/o Hargaisa , January 25, 2012
Qofkii Soomaali ah ee doonayo in Soomaali hagaagto, haddii aanu wax kale ummadda ku tarayn, waa inuu naftiisa keliya ka adkaado; Waa inuu joojiyaa Qabyaaladda iyo Qaadka labada qudhun ee Soomaali rogey! Marka qof waliba halkiisa ka hagaago ka dib isugayntu waxay soo baxaysaa hagaag. Haddaanad diyaar u ahayn inaad Qabyaaladda joojiso 100% dee markaas iska aamus oo jooji catawga beenta ah!

Kii intaas ka badan keenayana ee intuu naftiisa hagaajiyo haddana kuwa kalena hagaajinaya kaasina ka sii fiican.Al-xadullillaah.
Somali Hero
written by Darwiish , February 28, 2012
Maxamed siyaad barre wuxuu ahaa halyey Somaliyeed . "Meel aar ka kacay Atoor fadhiisay " Waa in loo dhisaa taalo lagu xusuusto .
Soomaaliya & Dadka Soomaaliyeed Nasiib Darranaa!
written by Ina Xuseen , March 20, 2012
Bal ila fiiriya Jen. Daa'uud Cabdulle oo isku biirsaday karti hogaamineed & cadaalad ay dadku ugu wada siman yihiin wuxuu dhintay asigoo da' yar dalkana u baahnaa. Sidoo kale C/rashiid ayaa la dilay iyadoo siyaasada dalka weli hana qaadin.
Labadaas murugo waxaa ka sii daran Hogaamiyihii Kacaanka Jaalle Siyaad oo la dhihi karo waa Hogaamiyaha kaliya ee Qaran soomaaliyeed oo madax banaan gaarsiiyey guul la taaban karo iyo heybad ay shacabka ku faani karaan ayaa maalin cad wanaaga uu sameeyey loogu abaal guday nacayb iyo in aakhirkii ashiisu ay ku go'do dal shisheeye........alla soomaali caqli & nasiib xumaa!!!

".....Geesi dhulkiisa Guusha u Horseedaa, Geerida Dishaa Geedkaa Ha Go'o...."

Saddexda Hugaamiye ee aan soo hadal qaaday maanta waa wada marxuum ee Allow u naxariiso oo Jannada ka waraabi, aamiin,.
Sidoo kale Inkaartii Marxuum Siyaad Bare ayaa Soomaali ku habsatay ee Waaxidkoow Abaal darradii ay geysteen mar hore ay ka shalaayeen ee Naxariistaada darteed ka dul qaad masiibada ku habsatay ee ay ka soo kabsan la'yihiin, aamiin
prof
written by FinFinne , May 05, 2012
Geesiga calaamada lagu garto waa waxa uu u qabtey dadkiisa iyo dalkiisa. Soomali run ah ayuu ahaa ay kuwi ugu dhowa dhaceen...Illaahow kuu naxariiso...Haddannu garanney General Mohamed Siyaad Barre. Aabihi ummada Soomaaliyeed....Car yaa labbeeya.................................I doubt.
...
written by mukhtar , June 10, 2012
allah u naxariisto jeneraal maxamed siyaad barre aabe soomaaliyeed ayuu ahaa
colonel
written by axmed , October 21, 2012
siyaad barre waxa uu soomaalia u qabtay ma,aha wax halkaan lagu soo koobi karo laakiin warkiyoo kooban wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horeeyay uguna dambeeyay soomaaliya i am 100% sorry for his
...
written by sahra , October 21, 2012
alaha u naxariisto madaxweynahenii sharafta lahaa generaal maxamex siyaad bare waxuu dalkiisa iyo dadkiisa u qabtay waaa lawada og yaheee alle ha unaxariisto aaamiin aamiin
madaxweyne mudan in marwalbo la xasusto
written by caydiid , November 18, 2012
illaah ha unaxariisto m siyaad baarre waxa uu ahaa halyey somaliyeed oo wadani ah
Sweden
written by miski , December 18, 2012
Alla yaraxma jale siyaad madax weyne wanag saan buu aha dalkenina uu xisnay daltabyaa nayhayso lakiin ilahay waan ugu baryaya madxweynheni maxamad siyad bare naris jana fardowso qabrigana nuur wan ku qirsanahay wax kaa fican in ayna jirin gadashada angana waxan ilahay ka baryaya in uu nokeno mid adokala mid kaa fican maba jiro Amiin yarabi

Consultant
written by Maxamed Cilmi , December 18, 2012
Waxaan aad ugu farxay caawa, waana markii iigu horeeysay ee aan arko website-kaan markiiba aan gudaha u galay.

Waxaan joogaa Muqdisho laakiin taariikh badan ayaan ka hayaa magaca qiimaha badan ee website-kaan, waana la xusuusan doonaa JAALLE MAXAMED SIYAAD BARRE si aan loo xusuusan doonin madaxweyne Soomaaliya soo maro.

Qofba waa garaadkiis; qaar ha yiraahdaan; "wuu na laayey", qaar kalena ha dhaheen "waa na xaqiray!!" balse runta ha laga abaaro taariikhda cad ee ninkaas marxuumka ah uu u sameeyey Soomaaliya iyo dadka soomaaliyeed.

Waxa laga yaabaa inaadan fahmin gogol dhigeyga qoraalkaan; waxaanse ku koobayaa dhowr arrimood:

1. Waxaan ka mid ahey dadka gobollada dhexe ku dhashay weliba gobolka "HIIRAAN", waxna ku soo bartay magaalad Buulo Burte ilaa Muqdisho aan ka imaado. Waxa igu xusuus ah;

Maalin anigoo iskuul ka imid ayey islaan walaakeey qabay oo ooyneyso ay iga hor timid, madaxana gacmaha ku heyso sidii iyadoo gablamay wiilkeedii (Waxse horay uma dhalin). markaan wareystay waxay ii sheegtay in madaxweynihii soomaaliyeed lagu dilay laascaanood. horay ayaan u dhaafay; mana fahamsaneyn madaxweynahaas iyo waxtarkiisa.

Waxaan ku soo dhex barbaaray kacaankii inyar ka dhib dhashay dhimashadii Sharmaarke, waxaa mar kaliyah isbedelay dhamaan dhaqankii iyon waxbarshadii. Dhowr sanno kadibna waxaan ka qeyb "Qoraalkii iyo herglintii Af- Soomaaliga" waa guullaha aan la hilmaami karin uu Jaalle Siyaad uu hergeliyey.

Waxaan kaloo ku soo barbaaray ka qeyb galadii DULMI DIIDKA; sida xorrreyntii dalalka Afrika iyo dhiiri gelintii jabhadaha, waana Abaal aan u sameeynay waddamo badan sida; walaalaheen Jibuuti, Muzambiiq, Angoola, Zimbabwe (Ex-Rodhesia).

Waxaan ku faraxsanaa dagaaladii xorreynta Soomaalida galbeed laakiin nala gadoontay oo burburkii dawladeena ay ka soo bilaabatay.

2. Maalin maalmaha kamid ah oo jimco aheyd qiyaastii 1978, anigoo u sii socdo magaalo Xamar aan ka fogeyn (Balcad) oo aan national service macalin ku joogay ayaan baskaan sarnaa jidka waxaan ku arkay kaarooyin badan oo ku sii socdo xamar, mana garan inay dhoolo tus iyo cillad bixin u socdeen laakiin subaxdii dambe ayaan ogaaday inay aheyd AF-GAMBI DHICISOOBAY, waa maalin taariikh igu leh.

3. Waxaan kaloo xusuustaa baabuur badan oo ina taree (N3) ka imaanayo waqooyiga oo siday qalab badan; ma aqoonin waxa la yiraahdo BILILAQO, mana filayn in marka u dambeeyso ay annaga na saameyn doonto....

4. Waxaan taageero naf iyo niyad leh u bilownay waxa lagu magacaabo USC oo aan filaynay inay aheyd mid wax fiican keeni doonto dawlada lagu sheegay musuqmaasuqa laakiin WAAN KA SHALAAYEY muddo yar kadib; markaan ogaanay waxa maalintaas ilaa maanta ay na dhaxalsiiyeen.. WAA WAX INOO QORNAA.

5. 1994 AYAA DHAHNAY MAXAMED SIYAAD BARRE ALLAHA U NAXARIISTO SI NIYAD AH, SABABTOO AH MA DHICIN WIXII LA SHEEGAYEY IYO WAXII LAGU BAAQAYEY IYO WAXAAN FILAYNAY. WAA LAGA GARDARNAA.

6. WAAN KU RAACSANAHAY WALAALKA KA MID AHAA; DAN-WADAAGAHA OO KA SHEEKEEYEY KORMEER-KA UU KU SAMEYN JIRAY MEELAHA WAX LAGU SHEEGO.
ANNAGA WAA NAGU SOO BOOQDAY XALANE SANNADKII 1977 SIAGOO WATO TAXI 124 ISAGA IYO DARAWAL IYAGOO TALIYAAASHII AYSAN OGEYN MEESHA UU KA SOO GALAY.

WAA MAHADSAN YIHIIN WALAALAHA SAMEEYEY WEBKAA XUSUUUS REEBKA AH
Mr
written by Abukar , December 25, 2012
Marka hore waxaan salaamayaaa dadka soomaaliyeed, meelkasta oo aay joogaan. mar labaadka waxaan ahay nin ku soo bar-baaray Dowladdii Alle ha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre. Alle waxaan ugu baryeynaa in uu dhaafo gefafkiisii. Anigu waxaan ka mid ahaa ardaydii ay wax soo bartay dowladdiisi, illaa aan ka noqtay Dhakhtar. Sariir goglan oo aan Hooyadey ii gaolin oo aan ku seeexdo waxaa iigu horeysay dowladdiisi. maxaase ka dmabeeyey. umalynmaayo nin isga la mid ah oo ummaddani isku soo celiya in la heli karo. Alle wax lam adhama isaga ayaan baryeyna. Aaamin
Allaha U Naxariisto Macalinka `
written by Caliyow`` , January 06, 2013
allaha u naxariisto Aabe Siyaad wxuu ahaa halyay usoo hoyay soomaalida iyo soomaaliya
waayihii hore waayo Dheh
written by Axmed Siciid Cale ( Jidow) , July 01, 2013
Nabadda jirtey waqtigii Siyaad waxay tahay mid aan la ilaabikarin. Goormaa ayaan heli doonaa nabadaas oo kale. Tasii waxaa u sii dheer horumarka ka jirey waqtigaas ; dhank waxbarashada iyo dhaqaalah. Waxaan u rajeynayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta ay jooto inay waaraan caafimaad iyo cimri dheer oo cibaado leh.
from Tanzania
written by calinur mohamed , January 02, 2014
ALLA HA U NAXARIISTO,Mohamed Siyaad Barre, hadda uun bay somaalidu garteen in uu ahaa nin leh
haybad madaxeed oo aan la inkiri karin waxaa mudan kuwii ka sheqeeyey in ay soomaaliya godkaa ku dhacdo
ee bixiyey sirtii muqadaska ahayd ee ummadda soomaaliyeed xaalkuna noqday inaynu marti ku noqonay
dawladaha deriska ah lacagta soomaaliya laga soo dhacayana ama magaca soomaaliyeed lagu helayo
lagu tartamo in guryo iyo ganacsi looga furto, waxa aan u jeedno waa kii aan xal bidnaba boorso madhan
oo uu lacag ku rido buu la wareegayaa dal iyo dadna naf uma hayo way ina la heleen halkii ay inaladoonayeen
markay dalkeena burburinayeen, waxaase iyana ayaan darro kale ah ragii dalkaas sida la arkay u burburiyey
maanta nin weyn intuu kuu yimaado ku leeyahay waxayba ahaayeen geesiyaal,














sailor
written by Ahmed Mohamed Abukar , February 12, 2014
Dawlad waa tii 21kii Octobar 1969kii Soomaalia u dhalay wixii ay qabatayna Allah iyo Ummadda Soomaaliyeed intii soo gaartey ayaa qireeyso. Wixii ka danbeyeyna waa Dowlad u yaal iyo Dulinimo.
gobolka sool
written by laaaaaaascaaaaaaaaanooooooooood , May 19, 2014
Wuxu aha wakhti nabada iyo barwaaqada lagu jiray an halkan lagu so koobi waxan xasuusta 1984 mar u noogu yimi gobolka sool allah ya yarxamuk
uk northampton march 04/15
written by wadani 2 , March 04, 2015
ALLAH U NAXARIISTO Maxmed siyaad walee waa loo ooyay wuxuu qabtayna calaacasha waa lagu qarin waayey, waxaa hubaal ah inta la xaqirayo in aan soomaaliya nabad noqonayn, Ee haloo duceeyo aabe siyaad aniga markasta waa u duceeyaa waxaan ku soo xasuustaa ubaxii kacaan Afgooye aan ka mid ahaan jiray alla maxaan wax ka soo dhaweeyay fiiri dugsi hoose xaawo taako aan dhiga jiray ka dib xamar aan u soo guurnay iskool siyaad madiino aan year 8 uga baxay sare banaadir aan bilaabay markii aan dhameeyay dugsi sare shaqo qaran ii dhamaatay jaamacad ayaan bilaabay 1988 kuliyadii siyaasada iyo saxaafada ee cusbayd waxaas oo dhan lacag ma dhiibi jirin intee laga helaa aduunka 1991 anoo sii fiirinaayo aan soomaaliya ka soo cararay gadaalna ma u noqon waan jeclahay dhulkayga ee walaalayaal aan dalkii u duceeyno.
guri joogto
written by haliama kalsan , September 01, 2015
maxamed siyaad khayr alla ha siiyo janadiina allaha ha geeyo , waxaan ka mid ahaa caruurtii ku soo barbaartey xarunta dhalinta kacaan afgooye waxaan wax ku soo bartey lacag la,aan hada waxaan joogaa xamar markii aan tago xaruntii afgooye aad iyo aad ayaan uga xumaadaa sida ay tahay iyo burburka ku dhacay , gobihii taariikhga ee ku yiiley muqdishu , maxamed siyaad hanti kuma layn xamr aduunkana ma dhigan wuxuu ahaa wadani dad iyo dal jecel

Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search