You are here: Home Maqal Heeso Cimrigii Jiryoow - Hobolada Waaberi
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Cimrigii Jiryoow - Hobolada Waaberi

E-mail

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Share selected track on FacebookShare selected track on TwitterShare selected track on Google Plus

Comments (25)add
Webside aan ka helay- yaa salaam.
written by Cabka taksile , July 24, 2009

Salaan diirran saaxiib ama saaxiibayaal .

Waxaan la ilmeeyay xussusta heesaha iyo berisamaadkii halkii aan muqdisho ka joogay iyo sida dadku loo kala mashquul sanaa waxaan ahaa adrday dugsi hose dhexe ama sare, waxaan la yaabay nimcada aan ku jirnay ma aanan dareen saneyn ee mar uun yaa noosoo celiyo dowlad nimo aan nolosha dunida dib mar kale u taaganno calenkeenii bulugga ahaa dhexdana ku lahaa xidigta cad.

qoraha wabsaad kanow waxaan aminsanahy in aad xafiday xusuus badan oo taariikhi ah halkaana ka sii wad, hana ii fahmin nin caadifad reer hebel ku jirto oo aniga dhinacaa ba ah igu tirin. waxaan ahay nin dowlad nimo u ooman si uu wadankeygii hooyo aan cagaha ciidda udhigo waan ku riyoodaa waxaan qurbaha joogaa in kabadan 18 sano. waxaan ugu danbeyn adiga, aniga iyo dhamaanba soomaalidaba uga baryayaa in EEBE uu jaceylka wadan nagu beero dalka iyo diintaba kuwii difaaca naga dhigo. AAAAAMIIN.

Mr warfaa
written by Gaxnuug qwadhan , July 30, 2009
waagiisii dowlada aya jirtay alla dawladnimo macaana iyo nabad waxa kma dambayn guri ba,ay soomaliya
ina siyaad barre allaah baa og suu ka yeelayo
written by maxamad soomaali ,ina maxamuud xsan cadille cismaan , August 08, 2009
kolleey wax wuu u qabtay dalka.soomaalina ma ahan dad raba sharaf iyo daacadnimo oo markaas ayaguna qayb bay ka yihiin wixii xumaaday.aniga kolley waan la soo koray ninkaas .waan a an ka faaiidaystay maamulkiisi.wuxuu qoray soomaaliga inkastoo la rabay inuu allifto xarfo noo gaara. itoobiyana wuu cageeyay untaan looga hiilin.waxaan ahay maqsuud kolley anigu!
ninkii ka adkaaday itoobiyaanka
written by soomaaliyoow , August 09, 2009
maxamad waxaa lagu xusuusaanayaa inuu isku dayay inuu xoreeyio soomali galbeed. wuxuu qabtay ku dhawaad qaybtaas la gumaydto dhamaanteed. kolleey gaaladaii isbahaysatay uma uu barbar dhugi karin aakhirkii.hadda ninkasi tag.soomalina talo ma hayso.waddankiina burburiye.qof kasta oo faRAha kula jira hadda dhibka dalka ama kula jirijiraynma waxay ku xukumanyihiin xisAAB ADDUUN IYONMID AAKHIRO.YAYSAN KU FAKATRIN INAY ISKA FAYAXSAN KARAAN.KHAAINAOOW WAXAAD SUGTAABA WAA BA IYO HOOG.MAWAXAAD RABTAA DALDALID MASE TOOGASHO?ka warran haddii middi laguugu dhiibo naagihiii iyo masaakiintii ad faraxumaysay.see u malaynayaa in jirku u dareemo xanuunka?
Libaaxii Afrika
written by Xamse-daacad , September 10, 2009
Marka laga yimaado Rasuulada Rabi soo diray, oo iyaga xag Rabi looga waxyooddo lagana hago, waxaan shaki ku jirin qofkasta oo bani-aadam ah oo hogaan qabtaa in uu wax khaldaayo. Inagoo taas maanka ku hayna oo qirsan in Madaxweyne Maxamed Siyaad (Rabi ha u naxariistee) ay wax badan ka khaldameen maamuulkiisii, hadanna waxaan muran ka taagnayne horumarkii uu dalka iyo dadka gaadhsiiyey, maaha wax qoraal yar lagu soo koobi karo waxyaabihii uu dalka iyo dadka u qabtay.
Waxaanse aanan marna ilaaween in uu dalka iyo dadka ka hortaagnaan horor iyo waraabayaal, kuwaas oo maantaba cid kastaaba aragto siday dalkii iyo dadkii u galeen. Hadii aynaan cadaalada iska garab mareen, oo aynaan qabyaalad iyo qudhun ku dhaqmeen, bal dib u eeg dhamaan hogaamiyaashii ururada, waa kuwii uu Siyaad Barre xabsiyada ku hayey ama dalka ka cararay ka dib markii ay dalka ka galeen dembiyo.
Ugu dambeyntii waxaan leeyahay Rabiyow naga qabo kuwan dalkii iyo dadkiiba halaagay. Aamiin Aamiin Aamiin.
...
written by ing abdulkadir sh muhtaar , November 26, 2009
maxamed siyaad bare wuxuu ahaa wadan soomaliyeed dadkiisa iyo wadankan u fiican allaha u naxariisto
SHINGAANI MS BARRE AUN GIISIGII CAALAMKA
written by SHINGAANI , January 28, 2010
CIIL BADANAA SHARAFTII MAGACII AAN KU LAHAYN CAALAMKA AAWI WALAAHI SDII RABDI U FASIRO M SIYAAD NIN KA MUWAADINSAN MA SOO MARIN CAALAM KANA GEESI IYO CAQLI BADAN SAWIR IN LAGA QAADO DHUL SOOMAALIYEEED MA OGOLAYN MAANTANA ? IDINKAA IDIN DAAYAY WAXA DHULKII UU KU DAALAY SIYAAD SIDA LOO GALAY
Adan cade
written by Adan , February 27, 2010
mudane maxamed siyaad waxaa uu ahaa nin rag ah oo wadanka hormar gaarsiiyay marka waxaan dhihi karaa wax qabadkiisii lama soo koobi karo waxna kama danbayn ninkaas calana kama danbayn doowladna kama danbayn siyaad illahay ha kuu naxasriisto siduu horeba u yiri Dalbaan katagi dadkama tagaayo.
...
written by Ahmed , February 27, 2010
Maxamed siyad bare wuxuu ahaa marka dhabta laga hadlo nin dalkisa difaacisa u jeclyahay waayo waa ogayn 1977 sidii dharbaaxada aan ugu dhufanay ethiopia inkastoo nasiib daro ay iyagana ethiopianka aarsigoodi ay yimaaden Muqdisho 2007 ayaa ahayd wax aad looga xumaaday .
Maxamed siyad wuxuu dhisay dalkisa inkastoo ay jiraan dul duleelo laga tabanaayo dul duladaas waxaa la oran karaa qof kasto bini aadam ah oo meel wax ka hayso waa lag hela .
Markii la arko dad iyo dhul dhisan waxaa durbadii kugu soo dhacayso Dowlada dimiquraadiga kacaan somaliyeed laga yaaba in aad kaliga oohinta ladhacdo
cade
written by adan , March 05, 2010
aaboow siyaad ilaahay janadii haku geeyo waa luugu caasiyay ninkaa wanagsan majirin waxaad ahayd ninwadani ah oo jaclaa cadaalada cadaaladadina waa lakhilaafay markii cadalada laqilaafayna waxaa timid cadaalad daro marlabaad ilahay ha kuu naxaariisto.
...
written by ilyaas , May 03, 2010
Allaha u naxariisto Cabdi Muxumed wuxuu ahaa hal abuure eraydiisu ay ka tarjumaan xaqiiqda markaas jirta ama guuxa shacabka....Allow u naxariiso abwaanka ku weyn qalbiyada shacabka soomaaliyeed iyo Hogaamiye Maxamed Siyaad shacabka soomaaliyeed ka yureeyn jiray yeeyda iyo umuldooxadata 20-kii sanno ee u dambeysay shacabka duleysatay
Guurowgi Allaha u Naxariistee Carays Ciise Kaarshe
written by By ciise, 17,may,2010 , May 17, 2010
Waa aniga oo ah Ciise-yare oo mar kale soo galay bogga commentiga ama aragtida
qofka Soomaaliga ah; walaalaha eebkaan abaabulay iyo inta akhrisata fakarkaygaan
waxaan si xushmad leh idinkaga codsanayaa in aa Webkaan soo gelisaan Guurowgo amaa Shicirki Murtida badna ama cagilga iyo wadaninimada badnaa ee CAREYS CIISE KLAARSHE A.U.N Inaad
na maqashiishaan. waan ka xumahay aniga wan heyn jiray laakiin waa iga baxsadeen hadaan
ogaan lahaa inay jiraan dhallinyaro Soomaali ah oo webkaan oo kale sameyn karaa wax badan ayaan
keydin lahaa.
ALLE NAXARIISTII JANO HA SIIYO
written by name deeq cumar diiriye , May 19, 2010
waxaan salaan & bogaadin hawada usoo marinayaa dadka hawshaan isku xilsaaray, walaalayaal makiciin ha jiro,runtiina waan idin garab daaganahay intayada jecel ama wadaniyiinta indhaha laka riday ah,runtiina taariikh laku dhaadan karayo waa jaala siyaad & iftiinkii horumarkii & naxariistii dalkaan uu kaarsiiyay maantana waa maalinta uuku haboon waayo nini kama danbaynin.saaxiibayaal masha alaah isha baxarka
ma jiro geesi la mid ah aabe siyaad
written by hassan abdullahi , June 19, 2010
aniga wax saas ah kama xasuusto dowladii hore lkn wax walbo waxay leeyihiin taariikh iyo raad raac ay reebaan marka wayba iska cadahay in ay dadkii hore ay ahaayeen muwaaadiniin sax ah oo wadaniyada ku dheertahay marka asxaabay alle ha ina siiyo dowlad daacad ah. runtii markaan xasuustaan oo kale aan arko waan qiiroodaa dareemaa in ay wax weyn inaga maqan yihiin iyo jiritaankeena in uu qiil qiil ku jiro.
NABSIGIISI BAA NA HEYSTA
written by A. RASHIID , July 03, 2010
A.S.W. WABAKAATUHU..

XOREYNRII SOOMAALI GALBEED WAXAY II MUUJINEYSAA M.S.BARRE JACEYLKA UU SOOMAALI U QABAY, IYO DADAALKUU U DADAALAYAY, HADANA SOOMAALI BEY AHAAYEEN WIXI XUKUNKA KA TUURAY OO MUCAARADKA KU NOQDAY.
ANIGA WAXAY ILA TAHAY SOOMAALI HADAAN NAHAY MARKAAN DOWLADA RIDEYNAY WAXAA LA RABAY INAAN NAHAY DAD HABEYSAN OO AY U DIYAARSAN YIHIIN CIDII ASAGA BADALI LAHEYD OO MADAXWEYNAHA NOQON LAHEYND, HADANA WAXAA LA RABAY INAAN NAHAY DAD ISKU KALSOON, OO DHIBKA KA DABAALAN KARA.

HADDANAN AHEYN WAAN KU TALO XUMAANAY RIDIDII DOWLADA WAAYO DOWLADU ANAGEY DAN NOO TAHAY. CID KASTEY DAN U TAHAY.

WAXAAN ORAN LAHAA DAD AANAN XAGA SIYAASADA KA DHISNEYN BAA DOWLADI NAGA BURBURIYAY; ILAA IYO HADANA WALI LAMA HAYO SIYAASI WADANI AH OO XILKA NOO QABTA.
FADLAN QORI CAARADIIS WAXBA LAGUMA HELO, EE SIYAASI WADANI AH HADANA GEESI AH MA TAHAY? XILKI MAXAMED SIYAAD ALLAHA U NASXARIISTEE UU HAYAY MA QABAN KARTAA?
HADAAN AHEYN WAQTIGA HA NAGA DHUMIN.

SOOMAALIDU WAXAY TIRAAHDAA NIN XIL QAADAY EED QAAD! WAXAAN ULA JEEDAA XILKUU MAXAMED SIYAAD HAYAY WAXUU AHAA MID AAD U DHIB BADAN WAAYO SIDAAN OGNAHAYBA WAXAA DAGAAL KULA JIRAY GAALO IYO SOOMAALI INTABA.

ASAGOO DHIBKAAS IYO XILKAAS WEYN HAYAY AYAY DADKU WAXAY U ARKEEN INUU BARWAAQO KU JIRO!. HADANA WAXAA LAGA RAJEYNAYAY INTUU QABTAY INKA BADAN INUU QABTO!!.BALSE ANIGA WAXAAN U ARKAA DADAALKIISU INUU AAD U SAREEYAY, MARKAAN EEGAY AWOODA MUCAARADKIISII OO AAN CABIRAY HEERKOODA SIYAASADEED IYO WADANINIMO. IYO SIDAAN U NAHAY DAD AANAN LOO TALIN KARIN.

MARKA SIDEEBUU WADANKU U DAGAA?
1.WAXAA NABSI LAGA GALAY MADAXWEYNIHII.
2.WAXAA NOO TALIYO DADAANAN XAGA SIYAADA KA BISLEYN.
3.CADOWGA SOOMAALIYEED WUU BADAN YAHAY.

ILAAHOW MAX.SIYAAD U NAXARIISO ANAGANA DOWLAD DAACADA NOO NAADI AAMIINN.ASW


shanta soomaali
written by wadani , August 05, 2010
aniga waxaan leeyahay waxaan nahay umad geeska africa kunool oo isku jinsiyad ah isku eg isku af ah waxaan leeyahay maxamad siyaad wuxuu ahaa wadani aaminsan qowmiyad soomaaliyeed shanta soomaali maanta maxaa lahayaa sharaf aaway carab fiiri say noola dhaqanto siyaad wuu laxisaabtami jiray wadamada kale nolosha soomaali hadaan wax laga qaban kurdida oo kale ay akhlaaq iyo qadiyad udhimanee waxaana larabaa in umadaan latirtiro sagaashameeyadii qabiil aa lagu wareersanaa jahwareer hada runta la ogaa xariga meesha uu ka guntanyahay oo laga wado hawsha qof walba oo soomali ah wuu ogyahay inuu qorshe kontonsano nagu socdo
somalinomo
written by muwadin , September 21, 2010
Allah yarxamu maxamed ibn zaid el barre, wuxuu ahaa nin muslim oona muwadin ah, somalidana maanta badankeed waa dad aad moo did in uu farac ugalay Yahuud , waana umad badankood aan ilaah kabaqin
Mr
written by Hafoow , November 10, 2010
Waxaan salaamayaa dhammaan dadkii soomaaliyeed ee ku soo bar-baaray dowladnimada. waxaan ka mid ahaa dhallintii soomaaliyeed ee kacaanka iyo dowladdeennii wanaagga iyo qiimaha badneyd ku soo koray. waxaanse ka xumahay in wakhtiga aan dib loo soo celin karin.aad ayaan maata ugu farxay in halkan aan ka helay taariikhdii dahabiga ahayd ee ina soo martay. ugu dambeynta waxaan Alle ka baryayaa in ummadda soomaaliyeed sharaftii luntay u soo celiyo.
Mr
written by Hafoow , November 10, 2010
Wassalaamu caleykum. salaan ka dib walaalayaal waxaan idin leeyahay oohinta waa shaqo Fuley ee aan u guntanno siddi aan waddankeenna ugu xoreynlahayn shayaadhiinta isugu timid. ogaada raggi waddanka xornimadiisa u dagaalammay in ay ahaayeen dhallinyaro inala mid ah.waxaan xusuustaa hadal uu igu wiil u dhashay Afrikada Galbeed oo isaga oo qiirreysan igu yiri waxaad tihiin dadka Afrika ugu nasiib badan, sababta oo ah waxaad leedihiin Af qoran laakiinse annagu waxaan qornaa oo aan ku hadalnaa Afki isticmaarka. Wassalaamu caleykum.
masha alaah
written by awliyo , December 11, 2010
walaahi waxaad ii soo xasusisay wadankeen sido ahaa dagalada ka hor masha alaah aad ban ugu farxay wadna ku mahadsan tihin
arigti
written by dhab ka hadal , March 14, 2011
asalamu aleykum salaan dhamaan somalaaay idilkinba gaar ahaan inta aqrisata webka iyo inta soo diayarisey sona aruurisey waxaa maahd gaar iska leh ilaahii na garansiiyey in aan isku dan nahay dhibkana inoo dhaxeeyo aana xasuusano inuu madaxweynihii somalyed jaalle maxamed siyaad bare aabaheena ahaa hogaamiyaheenii ruuxiga haa balse waa goorma mar ay mindi uus ku tagtey hadana nahay dhalinyarta somaliyeedna aynaan u jeedin in aan bal wax uun dhaqdhaqaaq wax wada qabsi ayanan u jeedin wali gacan ka hadal aan wax uun websiteyada ku qorno mooyee kekekeke balse waxaan ilaah uga baryeynaa inuu noogu naxariisto oo janadiisa noogu hibeeyo maddaxweynihii aan u aayney ee aan ku caasineyee garan wayney hadafkiisa iyo hogaankiisa wanaagsanaa nagana inoo soo baxiyo mid ka wanaagsan ama la mid ah aamiin
MAHAD CELIN IYO DHIIRO GALIN
written by C/QAADIR MAXAMUUD XASSAN (DADEY) , April 10, 2011
WAXA AAN ALLE KA SOKOOW U MAHAD CELINAYAA ABUURAYAASHA BOGGAN INTERNETKA EE INOO SUURTA GALIYAY IN AAN KU MUUJINO WADANINIMAYADA ISLAMARKAANA KU DHIIBANO ARAGTIDAYADA.WAXAA NAXDIN LEH XAALADA UU KU SUGANYAHAY DALKEENA.SI KASTABA HA AHAATEE,CIDDA KALIYA EE WAX KA BADALI KARTAA WAA INAGA SOOMAALIDA AH,WAAYO WAXA AAN OGNAHAY IN UU DALKEENU SOO MARAY GUMEEYSI,DADKI XOREEYAYNA AY AHAAYEEN SOOMAALI EE AYSAN BANAANKA KA IMAN.WAXAA MAHAD LEH,ALLE KASOKOOW MUWAADINIINTI SOOMAALIYEED EE NAFTOODA U HURAY IN DALKEENU HELO MADAXBANAANI.SIDOO KALE WAXAA MAHAD LEH HOGAAMIYAASHI DALKA EE TALADA DALKA QABTAY XORIYADDI KADIB EE UU U HOREEYO JAALLE.AADAN CADDE(ALLE HA U NAXARIISTO) UGUNA DAMBEEYO JAALE MAXAMED SIYAAD BARRE(ALLE HA U NAXARIISTO).WAXAA LAMA ILAAWAAN AH WAX QABADKI JAALLE SIYAAD IYO HEERKI UU DALKA GAARSIIYEY.WAXA AAN KU BOORINAYAA MUWAADINIINTA SOOMAALIYEED IN AY DIB U XASUUSTAAN WADADI UU SOO MARAY DALKEENU, ISLA MARKAANA OGAADAAN MUHIIMADDA AY LEEDAHAY WADANINIMADU,AYNA KU DAYDAAN HALGAMAYAASHI SOOMAALIYEED,SIDA SAYID MAXAMED C/LLE XASSAN,MR.TIMACADDE IYO DHAMAAN XUBNIHI S.Y.L(ALLE HA UWADA NAXARIISTO,AAMIIN).WAXA AAN OGA BAXAYAA WEEDHAN:HAYBAD WAXA AAD KULEEDAHAY DHULKAAGA HOOYO .
waa qica
written by al arab , June 02, 2011
Allah u naxriisto Maxamed ziyad, waxaa maanta xaq ah oo loo jeeda inay somalida badan keed tahay
shacab aan muwadin ahayn oo yeey ah, runti bashar kesta khalad wuu galaa lakiin waxaa la miizaama
oo lana kasaaraa wadciga iyo fahamka diinta iyo durufaha,
Dhulka Aabbahiisii Dhiiranoow Siyaad
written by Abdullahi Ifka , January 20, 2012
Dhulka Aabbahiisii Dhiiranoow Siyaad Hadaladii ka soo baxay dhibcaha ugu waa wayn
Waxuu yiri : Ruux kiitaab ku dhaartoow Xumo ma wax lagu dhaqaaqaa.
Waxuu yiri : Ruux ay gaajo dubatooy hurdo ma wax lagu nagaadaa.
Waxuu yiri : Ruux shisheeye dhowroow baryo miyay kaa dhamaataa.

Dhudhun lamaalaa waa kan ,waa kan ,Dhaxal la reebaa waatan, waatan .
Dhalin shaqaysaa waa tan, waatan. dhalin shaqaysaa waatan, waata.waatan.

Waxaan u xiis nay haddaladiisii murtiada iyo xigmada badnaa eebboow kuu
Naxariiso Jaalle Siyaad la'aantaa abaar gaajo cudur iyo dagaalo aan kala go'in.

...
written by sucdi maxamed cali , April 01, 2013
asc runtii qof waliba aduunyada maalin buu yimaaadaa maalin buuse ka tagaa inta u dhaxeysa labadaa maalin waxaad dalkaaga iyo dadkaaga waxaad u qabato taariiqda ayaaa ku qoreysa jaale maxamed siyaad bare taariiqda ayaa qoreysa wuxuu dadkiisa iyo dalkiisaba uqabtay waxaan leeyahay naxariistii janada alaha siiyo aaamiiin.

Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search