You are here: Home Maqal Heeso Ayaamaha - Hobolada Waaberi iyo Axmadey
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Ayaamaha - Hobolada Waaberi iyo Axmadey

E-mail

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Share selected track on FacebookShare selected track on TwitterShare selected track on Google Plus

Comments (29)add
ma soo mari doono somaalia hogaamiye kawanaagsan waligeed
written by sayid ali jamac jirac , June 23, 2009
ilaah ha u naxaariisto mahamed siyaad bare waxuu ahaa geesi noo furay fursad
qaali ah waqtigaan soo hanaqaadeyney waa kii nooqoray afka maanta mid waliba
waqooyi ilaa koonfur uu wax qoro taasna waa mid historiga ugu jirta mana ilaaweyno waligeen mida kale wuxuu simay dadka oo markii hore kala sareeyey
thanks ,waxbarashada,dhaqaatiirta,ciidamada,duulayaasha,jamaca
daha waxaas
oodhan isagaa sameeyey waxaan jeclaan lahaa in wadankanwareersan uu isaga habaaray oo nafsi haysto, ragii bilaabay ka hor imaadkiisa waxaay ahaayeen
kuwa hadaan nahay dhalinta soomaaliyeed nadhigay mustaqbal daro iyo niyo jab
aqoonteenii oo baabaday iyo qaxootinimo oo ilaa hada raba xukun walee maxamed
siyaad waxkamadanbeynayaan,mahadsinadiin
Cabdulqaadir Axmed Warsame
written by Cabdulqaadir Axmed Warsame , June 23, 2009
Markii dowladdii Soomaaliya bur bureysey, waxaan dhiganayey fasalka 7 aad ee dugsiga hoose dhexe Maxamuud Mire, horana loo oran jirey Allaahi. Waan Nibcaa Maxamed Siyaad Barre, nacayb aanan markaas sabab u yeeli karin. Waan ka xumahay middaas. Ma aanan garaneyn waxa uu ahaa Maxamed Siyaad Barre. Ilaahay Naxariistii Janno haka waraabiyo. Dhab ahaantii waxaan ogaadey in uu ahaa madaxweyne Soomaaliyeed oo jecel in dalkeennu gobanimo ku noolaado, isla mar ahaantaasna diidno quursi iyo sidaan rabo aan kaa yeelo. Wuxuu inoo dhisay laamiyada, dakadaha, eeraboorrada. Wuxuu inoo suurto geliyey waxbarasho lacag la'aan ah oo illaa heer jaamacadeed ah iyo Isbitaallo lacag la'aan ah!!!!! Waqti xaadirkaan oo aan ku jirno qarnigii 21 naad, waddamo badan oo Africa ah kama jirto horumar noocaas ah. Wuxuu Soomaaliya ka dhigay cudud wax laga weydiiyo geeska Africa isla mar ahaantaasna wax laga weydiiyo.Ka warran haddii 1970s kii uu milateriga Soomaaliya joogey Kambaala caasimadda dalka Yugaandha??? Qiyaas haybaddaas iyo sumcaddaas!! Maantay waxaan noqonnay diinkii habar dugaag u tashatay asaga oo aan berigaas qolofka adag lahayn, kuna tashadeen in ay cunaan, oo markaas ilaahay qolofka adag u yeelay!! waa sheeko xariiro Soomaali ah oo ku tusaysa in aan Eebbe moogeyn hadimada kan tabarta daran. Waan ka xumahay in aanan aqoon saasa u lahayn berigaas M.G Maxamed Siyaad Barre.Waa ayaan darro in aannaan taa ku faani kerin haddii aannu nahay Soomaali. He tought Mindistu and Ethiopia things they will never forget in live. That lesson too sent the whole world clear message that Somalis were people of their own. Thanks to Maxamed Siyad and thanks to our heroes who last their live in the cause of Greater Somalia. Maxaan maanta dhaxallay?? in Keenya iyo Itoobiya nalaka cel celin la'yahay. Ciiloow wayeey maanigay calowdey laabtaydu, anoo caafimaad qaba miyaan caday ka dhuubnaaday, cidlaa laga kaxaystaye miyaa cudud la'ii sheegtay!! Maansadii Sayid Maxamed Cabdille Xassan uu tiriyey mar geel laga qaaday asaga oo ka maqan. Markuu Jaallihii joogey miyaa badaha Soomaaliyeedd la sheegan jirey???? Alloow Soomaali isu soo duw, Alloow Maxamed Siyaad u naxariiso, Soomaalina kasoo saar geesi waddankiisa jecel oo hoggaanaka u qabta. Aamiin
reserve soldier of the revelution
written by jaale.axmed gaaduur , July 08, 2009
Good all days keep posting this history
dangarad somaliyeed
written by dangarad , July 10, 2009
waayaha aduunka midba wax baa lagu suxuustaa ee ma ilowi karnaa qaranimadii somaliyeed , war kuwa hada damacsan inay ku dabalaan calanka iyo astaanta somaliyeed waxaad ogaataan in aan marna idiinla cafin doonin malna ahan wax aad danbiga ka galaysaan nin ama shaqsiyaad gaar ah ee umada somaliyeed oo idil ayaa inkirmaad ku samaynaysaan waana mid uu waqtiga idiin soo qori doono .raggii u soo halgamay wadaniyada umada somaliyeed iyo ninka doonaya in uu baabiyo astaanta somali weyn ma isku mid ayey noqon doonan taas shacabka ayaa sheegi doona .allaha u naxariisto madax weynaheynii qaaliga ahaa mahamed siyad barre ma u malaynayo nin la mid ah in uu somali ka soo dhex bixi doono
Waqti Qaali Ah
written by Reer Boondheere , May 03, 2010
Heestan dib ayeey ii xasuusisay waqtiyadaan yaraa. Run ahaantii jaceyl ama kurbo weyn iguma hayn heesaha kacaanka iyo kuwa xilliyadaas shacabka lagu baraarujiyo oo maadaama aan ahaa wiil yar oo markaas soo koraayo waxaan door bidi jiray inaan dhageysto heesaha banaadiriga ee qeyb ka ahaa ruwaayadaha markaas la jeclaa iyo heesaha kalee jeceylka u badnaa oo ay soo saari jireen kooxaha kalee ka dhisnaa magaalada muqdisho. Laakiin maanta waxaan qiray in heestaan "Ayaamaha Ilaahey..." iyo kuwa kale ee boggaan ku jira ay qeyb ka yihiin noloshii aan ku soo koray, weliba codka Al-Fanaan Axmadeey Abuubakar si weyn uu xasuusteyda u gaaray. What a good time we had eighties in Xamar Cade.
Xamar Cade Xudunteydaa ku duugan.
Waa Xasuus aan caadi aheyn
written by Writtenm by Abdi-akhyaar, 04,2010 , May 04, 2010
Shaki kuma jiro dadka soomaaliyeed inaysan xumaan isku raacayn, hadii
ay dad yar oo cadawga Soomaaliyeed ku shaqaystay, laakiin Majooriatiga ama inta
badan dadka Soomaaliyeed ee daacadda ah waa garteen in dal;koodi iyo
Hogaankoodii WACNAA ee dalka sidaan ogaa u qurxiyey u dhisay, dhan walba
Waxbarasho,daawo, lacag laaan ah iyo Horumar intaas ka sii badnaa.
aLLAHA U NAXARIISTO xukuumadi uu madaxda ka ahaa Marxuum Jalle Siyaad
Danbi dhaafna Allaha Siiyo.
amaan
written by liban hersi , May 14, 2010
jaale siyaad we miss you specialy young peaple we say we miss you
Annagana abaalkii ma illaabi doonee, we all miss the Revolutionary goverrnment
written by Dalmar,2,jun,2010 , June 03, 2010
KUWI UBAX KA DHIGAY AGOONTII DULLEYSNAYD, WAA WAAYO WAAGAAS JIRAY,
WAXAAN LEEYAHAY MA ILLOOBI DOONO KACAANKII SOOMAALIYEED. WAXAAN KU TALIHAA
IN AAD HAWSHAAS BALLAARISAAN, DHAMMAAN SUUGAANTII WADANIGA AHAY.
ALLAHA U NAXARIISTO JAALLE SIYAAD, XUSEEN KULMIYE AFRAX IYO DHAMMAAN GOLIHI
SARE EE KACAANKA. SIDOO KALE GENERAAL SAMANTAR WAAQ HALYEEY
jaale siyaad alaha u naxariisto
written by abdurahmaan ali salaad , July 06, 2010
ilaah waxa aan kabaryayaa in uu nasiiyo qof lamid ah jaale siyaad sababtoo ah maan ta waxaan ku ogaanay dowladu waxa ay tahay iyo dowlad xumadu waxa ay tahay allow noo naxariiso dhamaanteen allow u naxariiso j,m,s,Bare ilaahow jannada ka waraabi aamiin
...
written by Cabdifataax Cismaan , August 30, 2010
Marka hore ascw dhamaan inta xiiseeyso ama booqato jaalesiyaad.com.Waxaan umaleeyaa markaan booqdo inaan joogno 1990 waxii ka horeeyay.
cajiib
written by osman , October 10, 2010
S/C/W/intaa kadib. heestaan waa xasuus iyo lama ilaawaan.waxaan nahay jiilkii kacaanka ku soo hanaqaaday.mana ilaawi doono
burfuule@hotmail.com
written by haji omar , October 18, 2010
nimaan talin jirin haduu taliyo nimaan tegi jirin baa taga inaan gaal dhulka udhaqno kuwii na baday ilaah hanaga qabto mowjadaha marun bay naga degi doonaan

cajiib
written by osman , December 29, 2010
xusuus aan la ilaawi karin.walaalka noo aruuriyay waa mahadsanyahay.
waxaan ahay jiilkii kacaanka ,wax ka horeeyay ma ,arkin wax kadanbeeyay ma jiraan.
ma,dageesto heeso lakiin ku kacaanka waa la.ilmeeyaa.maxaa yeelay xasuus gaar ah ayee
iileeyihiin.
Alla ha naxariisto siyaad barre iyo muslimka aa dhan
ilaah soomaali iska cafi
written by Maxamed , January 02, 2011
Waan ilownay abaalkii oo welina burburinay wixii ay dhiseen madaxdii wadaniga ee dalka uu hogaamiyaha u ahaa aabe siyaad, taladoodii iyo tusaalahoodii aayaha lahaana waxaan ka door bidnay kuwii dilaaliintii isticmaarku dabada ka waday ee maantay meesha aan naal na dhigay. Ilaahow soomaali hadaan nahay na cafi oo nabad iyo midnimo buuxda noogu deeq.
Alaha unaxarista
written by Faisal , April 01, 2011
Alaha unaxaristo madax wenaheyni jalle maxamed siyaad bare
Qiraal
written by Mohamed , June 01, 2011
Waxaan halkaan ka qiraayaa in Alle ha u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Barre maamulkii uu hormuudka ka ahaa ay Somalia gaarsiisay halkii ugu sareysay ee uu maamul gaari lahaa ka dibkiisna ay Somalia gebigeedba agoontowday oo aan ilaa hadda wiliba mustaqbal u muuqdaana jirin, cid allaale iyo cidii dhaliili lahayd marxuumka iyo maamulkiisiiba maxaa ka dambeeyay bal ha lays weydiiyo? ma u darsanay mise waan ka rayesanay????
ali
written by abdikadir , June 22, 2011
jalle siyad allah subxana ha unaxaristo. qof wadaninimo kugaarayo majiro hadaa iyo waqti dhambe mana laheli doona
anigoo kudashay nfd dulka somaliyeed oo kenya ayaaa jecla waayo waxaan ogaay inuun yahay nin somali ah unaa dhaneeynaayey somali weyn meel kasto ay joogan lakin waa ayaan dharo waxaan kadhalanay waxmagarato somali oo qabil dhuxa kagaalay. mareykan ingiris iyo canada aan u dhofaya waxa kadhambeey hoog iyo lama arkaan
xasus
written by fanoow , June 22, 2011
asalamu aleykum aloow kuu naxariiso ilaah baanu kuu bariney ee ilaah ha kuu aqbalo ducadayada aabe siyaadoow dad iyo dalba kaama dambeyne aloow mid siyaad gaari karo ma fileynee mid noo ag dhiga umada u soo saar oo daacadnimo iyo diintaada ku xukuma una sama falo

aamiin
...
written by shariifka .m.a , July 11, 2011
salan sare dhamaan axaabta run ahaantii aniga waxaan jeclaa in aan idin xasuu siyo madax weyne maxamed s. b . halyaagii aqoonyahan kii lama ilaabaan ka ahaa ruu tii aniga soma aan nan garin wax sharfta lahaa ee uu kataliya somalia waxaa idin xasunayaa wax lataabankaro oo
ISWEYDIIN
written by AHMED , April 29, 2012
HORTA MAXAY KU DIIDANAAYEN KUWII MUCAARADKA KU AHAA MARXUUMKA
MA DIIN MISE SIYAASAD MISE DHAQAALE MISE XIN UUN BEY KA HAYED!!!
Nabadi Kaama dambeynin
written by Abdulaahi , May 03, 2012
ACWW waxaan salaamayaa ummada Soomaaliyeed meel alla meesha ay joogaan Raxmadi janno ALLAHA siiyo General Maxamed Siyaad Barre ma dhinte waa ALLAAH qofka marka uu dhinto ayaa la ogaadaa waxa uu qabtay iyo waxa uu qaban waxaan ka mid ahaa dadkii kacaanka wax ku soo bartay waagi aan dadka ahayn ayaan ka hadlayaa maanta saraakiishi ciidamadi qalabka siday ay ku baaba'sanyihiin daafaha adduunka dal muraayadi qalbiga laga jabiyay SOOMAALIYA maanta waa wada qaxooti wax bad ku dhintay iyo wax xabadi dhishay ayaa ka haray wadanki waxaan dhaho ma aqaano kacaanki barakeysnaa waxaan la hilmaami la'ahay siyaad cadowga uu naga horjaagay ee maanta ciideena nagu gumeysanaya Ethiopia ,kenya iwm waxaan xasuustaa dagaalkii 77 fanaanada magool marki ay ku heeseysay waan hayaa harar iyo hawaash habeen danbe maxaa ka danbeeyay in calanka amxaarada laga taago wasaaradii gaashaandiga soomaaliya aan ooyee albaabka ii xera.
ayaan daran somali
written by Isma ognin , June 25, 2012
xusuus ahaan 1990 waxaan arday dhigata dugsiga sare wadajir fasalka foom two kana so baxay dugsiga hore cali xuseen maxaan marna ilaawin maalin aan meerijaank aaday oo uu ii wacay siyad barre anigoo aad u yar fasalka sedeedaad ah oo aan joognay isbartiibada wayn waxaan qaadaynay hees ahayd "beeraha dhulka yagoow barwaaqo lahoow baraaro kugaari donaaye" waxaa tabo bare inoo ahayd naag cadaan ah oo la oron jiray lee...xusuus lama ilaawaan ayay ahayd balse hadadan waan qaadaayaa anigii 40jir ah ama ku dhow masha allah. markaa siyaad wxuu ahaa nin ilaah wax garad siiyay imada nabad usoo dejin jirayhase ahaate ibni aadam waa ibni aaadan wax la isku dagaalay ilaaiyo hada ma garanay qabiilna markaan soo qaxnaan baranay somali ilaah ha u naxriisto umadana calooshooda alah isku nadiifiyo kolay siyaad oo kale lama helayo wixii dhacay dhacy wa in faaatakum!!!!!!!!!!
Waayaha adduunkiyo taariikhda kaa weyn waxa laga waraystaa qofka waaya araggee!
written by ahmed ali , August 27, 2012
Jaalle Siyaad haddii ay somali dhagaysan lahayd maanta shallayto kuma jirteen ummadda soomaliyeed. Kala qaybsanaan, Gobollaysin iyo gooni isu taag. Waxaa ayaan darra ah in aan lagu dayan Jalle Siyaad, shallayto waa shay xaaraan ah ficilkuu raggu ku barbaaraa khaasatan kan wanaagsan ee ay somalinimadu ku dheehan tahay. I laahay ha u naxariisto jannadii fardowsana allaha ka waraabiyo halyeygii inoo horseeday inaan "SACABADEENA BIYO KAGA DHARGI KARNO". Jaalle rest in peace, we miss you!!!!!!!
macaanaa wadankeena
written by nabiila , October 10, 2012
runtii xusuus baan la ooyay waayo waxaan soo xusuustay dugsigaygii hoose dhexe ee xaar jajab iyo ilmahaan la dhigan jiray oo u badnaayeen reer iskool bulisie sarandi iyo weekiyo xusuus bay igu reebtay heesaha ka caanka jaale siyaad ilaah haku cafiyo janadana alaha kaa waraabiyo aamiin
Xasuus
written by Abdullahi Mohamed , January 23, 2013
Xasuus kacaan oon la iloobi karin, mana illoobi doono abaalki
kacaanki barakeysnaa oo uu hogaaminayay Jaalle Siyaad, illaahoow
qabriga kuu waasici, danbigaag iyo dhammaan golihi sare inta dhimatay
iyo cid walbo oo Soomaali wax taray. Waa iddiin darsanay.
...
written by cajargeel , April 10, 2013
waa loo dhibboodaa sidii caddaalad lagu dhiso Mohamed siyaad wuxuu ahaa xiddig ilaah soomaaliya uGu deeqay,laakiin lamagaran wataas meeshaad arkeysaan taala yaakaqaadi illaa caddaalad lahelo ilaahna loo noqdo,shacbiga soomaaliyeedna ay gartaan in ay dhulka iyaga iska leeyihiin,iyo diintooda iyo daqankooda waxaan qabaa inaan jahawareerkan laga baxaynin,balse lagamaquusto naxariis rabbi.
Curriculum and Academic Affair of Ilays Educational Academy
written by Abdisalam Mohamed Hussein , October 16, 2013
Waxaan Jaamacaddii Ummadda qaybtii SIMAD dhammeeyey 1988dii, ka dib waxaan u dhoofay dalka Norway. Anigu wax shaqo ah kama qaban Dawladdii Maxamed Siyaad Barre, laakiin waan jeclaa dawladdii iyo Maxamed Saiyaad Barre labadaba. Waayo waxaa ii muuqatey inaan wax noo dhaama imanayn. Isla kolkaasna weli jeclay oo Maxamed Siyaad, he is one of role models. Allaah ha u naxariisto.
...
written by qaallii , October 16, 2013
alaaha unaxariisto isaga iyo afooyinkiisaba maansha allaah nin wanaagsan ayuu ahaa laakiin lama wada garran ilaa la waayo isagi oo xaqiiqda la arko aadanaa mar horaa layirri abaal mallaha ladnaantii aan ku jirnaay waan xajisan waynay maanta soomali waxay noqotayin bada aay liqdo in qaxooti noqoto iyo in daafahaa aduunka jeelasha ku dhimanaayyo marka 30 sano oo iscun ah ayaa lagu jiraa isaguna wuu sheegay oo wuxuu yiri dad kama taggaayi laakiin dhul baan katgaayaa markuu si walbo dadkii ula haddlay ooy maqlii waayeenn cala kulii xaal calaacal waxbo ma taree alaaha uu naxariisto anagana alaaha nooga daba naxariisto
U mahad celin
written by Abdurahmaan aadan maxamed , June 20, 2017
Runtii waxaaan aad u necbahay qaiilka iyo qabyaaladda anigana ma ihi shaqsi ku hayb ah ilaahag ha u naxaristee Aabo maxamed siyaad bare naxariis iyo nebedgelyo korkiisa ahaatee lakiin waxaan aaad aan u jeclaan lahaa in maanta arko isagoo nool kaliga waxaan oran lahaa meel aaar ka kacay atooor sagaaro fadh fadhiisay runtiii aniga abaalka uu i galah ma aha mid aan iloobi karo 1980 kii dibadda ayuu wax barasho iigu soo diray tigidkidhkii diharaada somaliearlan aan ku soo raacay dowladdaa bixisay ilaaa 1986 jaamacadda iyo hoyga waxaa bixinaayay dowladda somaliya waxaan ka qalin jabiyay jaamacadda ام القراء تخصص مقارنة الاديان waxaan ilaahah uga baryahaa janadii fardowsa in uu ka waraabiyo aameen aameen
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search