Guuleed bal ii sheeg - Maxamed Suleyman Tubeec iyo Hibo Nuura
Allaha U Naxariisto Macalinka `
			<description>allaha u naxariisto Aabe Siyaad wxuu ahaa halyay usoo hoyay soomaalida iyo soomaaliya  - Caliyow``</description>
Mr
			<description>Marka hore waxaan salaamayaaa dadka soomaaliyeed, meelkasta oo aay joogaan. mar labaadka waxaan ahay nin ku soo bar-baaray Dowladdii Alle ha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre. Alle waxaan ugu baryeynaa in uu dhaafo gefafkiisii. Anigu waxaan ka mid ahaa ardaydii ay wax soo bartay dowladdiisi, illaa aan ka noqtay Dhakhtar. Sariir goglan oo aan Hooyadey ii gaolin oo aan ku seeexdo waxaa iigu horeysay dowladdiisi. maxaase ka dmabeeyey. umalynmaayo nin isga la mid ah oo ummaddani isku soo celiya in la heli karo. Alle wax lam adhama isaga ayaan baryeyna. Aaamin - Abukar</description>
Consultant
			<description>Waxaan aad ugu farxay caawa, waana markii iigu horeeysay ee aan arko website-kaan markiiba aan gudaha u galay.
Waxaan joogaa Muqdisho laakiin taariikh badan ayaan ka hayaa magaca qiimaha badan ee website-kaan, waana la xusuusan doonaa JAALLE MAXAMED SIYAAD BARRE si aan loo xusuusan doonin madaxweyne Soomaaliya soo maro.
Qofba waa garaadkiis; qaar ha yiraahdaan; "wuu na laayey", qaar kalena ha dhaheen "waa na xaqiray!!" balse runta ha laga abaaro taariikhda cad ee ninkaas marxuumka ah uu u sameeyey Soomaaliya iyo dadka soomaaliyeed.
Waxa laga yaabaa inaadan fahmin gogol dhigeyga qoraalkaan; waxaanse ku koobayaa dhowr arrimood:
1. Waxaan ka mid ahey dadka gobollada dhexe ku dhashay weliba gobolka "HIIRAAN", waxna ku soo bartay magaalad Buulo Burte ilaa Muqdisho aan ka imaado. Waxa igu xusuus ah;
Maalin anigoo iskuul ka imid ayey islaan walaakeey qabay oo ooyneyso ay iga hor timid, madaxana gacmaha ku heyso sidii iyadoo gablamay wiilkeedii (Waxse horay uma dhalin). markaan wareystay waxay ii sheegtay in madaxweynihii soomaaliyeed lagu dilay laascaanood. horay ayaan u dhaafay; mana fahamsaneyn madaxweynahaas iyo waxtarkiisa.
Waxaan ku soo dhex barbaaray kacaankii inyar ka dhib dhashay dhimashadii Sharmaarke, waxaa mar kaliyah isbedelay dhamaan dhaqankii iyon waxbarshadii. Dhowr sanno kadibna waxaan ka qeyb "Qoraalkii iyo herglintii Af- Soomaaliga" waa guullaha aan la hilmaami karin uu Jaalle Siyaad uu hergeliyey.
Waxaan kaloo ku soo barbaaray ka qeyb galadii DULMI DIIDKA; sida xorrreyntii dalalka Afrika iyo dhiiri gelintii jabhadaha, waana Abaal aan u sameeynay waddamo badan sida; walaalaheen Jibuuti, Muzambiiq, Angoola, Zimbabwe (Ex-Rodhesia).
Waxaan ku faraxsanaa dagaaladii xorreynta Soomaalida galbeed laakiin nala gadoontay oo burburkii dawladeena ay ka soo bilaabatay.
2. Maalin  maalmaha kamid ah oo jimco aheyd qiyaastii 1978, anigoo u sii socdo magaalo Xamar aan ka fogeyn (Balcad) oo aan national service macalin ku joogay ayaan baskaan sarnaa jidka waxaan ku arkay kaarooyin badan oo ku sii socdo xamar, mana garan inay dhoolo tus iyo cillad bixin u socdeen laakiin subaxdii dambe ayaan ogaaday inay aheyd AF-GAMBI DHICISOOBAY, waa maalin taariikh igu leh.
3. Waxaan kaloo xusuustaa baabuur badan oo ina taree (N3) ka imaanayo waqooyiga oo siday qalab badan; ma aqoonin waxa la yiraahdo BILILAQO, mana filayn in marka u dambeeyso ay annaga na saameyn doonto....
4. Waxaan taageero naf iyo niyad leh u bilownay waxa lagu magacaabo USC oo aan filaynay inay aheyd mid wax fiican keeni doonto dawlada lagu sheegay musuqmaasuqa laakiin WAAN KA SHALAAYEY muddo yar kadib; markaan ogaanay waxa maalintaas ilaa maanta ay na dhaxalsiiyeen.. WAA WAX INOO QORNAA.
5. 1994 AYAA DHAHNAY MAXAMED SIYAAD BARRE ALLAHA U NAXARIISTO SI NIYAD AH, SABABTOO AH MA DHICIN WIXII LA SHEEGAYEY IYO WAXII LAGU BAAQAYEY IYO WAXAAN FILAYNAY. WAA LAGA GARDARNAA.
6. WAAN KU RAACSANAHAY WALAALKA KA MID AHAA; DAN-WADAAGAHA OO KA SHEEKEEYEY KORMEER-KA UU KU SAMEYN JIRAY MEELAHA WAX LAGU SHEEGO. 
ANNAGA WAA NAGU SOO BOOQDAY XALANE SANNADKII 1977 SIAGOO WATO TAXI 124 ISAGA IYO DARAWAL IYAGOO TALIYAAASHII AYSAN OGEYN MEESHA UU KA SOO GALAY.
WAA MAHADSAN YIHIIN WALAALAHA SAMEEYEY WEBKAA XUSUUUS REEBKA AH - Maxamed Cilmi</description>
Sweden
			<description>Alla yaraxma jale siyaad madax weyne wanag saan buu aha dalkenina uu xisnay daltabyaa nayhayso  lakiin ilahay waan ugu baryaya madxweynheni maxamad siyad bare naris jana fardowso qabrigana nuur wan ku qirsanahay wax kaa fican in ayna jirin gadashada angana waxan ilahay ka baryaya in uu nokeno mid adokala mid kaa fican maba jiro Amiin yarabi
 - miski</description>
madaxweyne mudan in marwalbo la xasusto
			<description>illaah ha unaxariisto m siyaad baarre waxa uu ahaa halyey somaliyeed oo wadani ah  - caydiid</description>
			<description>alaha u naxariisto madaxweynahenii sharafta lahaa generaal maxamex siyaad bare  waxuu dalkiisa iyo dadkiisa u qabtay waaa lawada og yaheee alle ha unaxariisto  aaamiin aamiin  - sahra</description>
colonel
			<description>siyaad barre waxa uu soomaalia u qabtay ma,aha wax halkaan lagu soo koobi karo laakiin warkiyoo kooban wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horeeyay uguna dambeeyay soomaaliya i am 100% sorry for his  - axmed</description>
			<description>allah u naxariisto jeneraal maxamed siyaad barre aabe soomaaliyeed ayuu ahaa - mukhtar</description>
prof
			<description>Geesiga calaamada lagu garto waa waxa uu u qabtey dadkiisa iyo dalkiisa. Soomali run ah ayuu ahaa ay kuwi ugu dhowa dhaceen...Illaahow kuu naxariiso...Haddannu garanney General Mohamed Siyaad Barre. Aabihi ummada Soomaaliyeed....Car yaa labbeeya.................................I doubt.  - FinFinne</description>
Soomaaliya & Dadka Soomaaliyeed Nasiib Darranaa!
			<description> Bal ila fiiriya Jen. Daa'uud Cabdulle  oo isku biirsaday karti hogaamineed  & cadaalad ay dadku ugu wada siman yihiin  wuxuu dhintay asigoo da' yar dalkana u baahnaa.  Sidoo kale C/rashiid ayaa la dilay iyadoo siyaasada dalka weli hana qaadin. 
Labadaas murugo  waxaa ka sii daran Hogaamiyihii Kacaanka Jaalle Siyaad oo la dhihi karo waa Hogaamiyaha kaliya ee Qaran soomaaliyeed oo madax banaan gaarsiiyey guul la taaban karo iyo heybad ay shacabka ku faani karaan ayaa maalin cad wanaaga uu sameeyey loogu abaal guday nacayb iyo in aakhirkii ashiisu ay ku go'do dal shisheeye........alla soomaali caqli & nasiib xumaa!!!
".....Geesi dhulkiisa Guusha u Horseedaa, Geerida Dishaa Geedkaa Ha Go'o...." 
 Saddexda Hugaamiye ee aan soo hadal qaaday maanta waa wada marxuum ee Allow u naxariiso oo Jannada ka waraabi, aamiin,.
Sidoo kale Inkaartii Marxuum Siyaad Bare ayaa Soomaali ku habsatay ee Waaxidkoow  Abaal darradii ay geysteen mar hore ay  ka shalaayeen ee  Naxariistaada darteed ka dul qaad masiibada ku habsatay ee ay ka soo kabsan la'yihiin, aamiin - Ina Xuseen</description>
Somali Hero 
			<description>Maxamed siyaad barre wuxuu ahaa halyey Somaliyeed . "Meel aar ka kacay Atoor fadhiisay "  Waa in loo dhisaa taalo lagu xusuusto . - Darwiish</description>
Qaybyaaladda iyo Qaadka Jooji Haddii Kale Iska Aamus!
			<description>Qofkii Soomaali ah ee doonayo in Soomaali hagaagto, haddii aanu wax kale ummadda ku tarayn, waa inuu naftiisa keliya ka adkaado;  Waa inuu joojiyaa Qabyaaladda iyo Qaadka labada qudhun ee Soomaali rogey! Marka qof waliba halkiisa ka hagaago ka dib isugayntu waxay soo baxaysaa hagaag. Haddaanad diyaar u ahayn inaad Qabyaaladda joojiso 100% dee markaas iska aamus oo jooji catawga beenta ah!
Kii intaas ka badan keenayana ee intuu naftiisa hagaajiyo haddana kuwa kalena hagaajinaya kaasina ka sii fiican.Al-xadullillaah. - Soomaali Dhab ah c/o Hargaisa</description>
XUSUUS DHACDO LA YAAB LEH OO AAN UGA SOO JOOGAY SIYAAD BARRE!
			<description>Aniga waxan 1965tii ku dhashay meel Burco iyo L/Caanood u dhaxaysa oo miyi ah. Waa Dhulka quruxda badan ee loo yaqaan “Cayn iyo Saraar”. Reerkayaga wuxuu lahaan jiray Adhi iyo Geel. Ka dib waxa dhacday "Abaartii Daba-dheer 1974". Waxan nasiib u yeeshay inaan ka mid noqdo dadkii loo qaaday Koonfur. Dadkaas oo aad u badnaa waxa laga soo ururiyey dhammaan gobolada dalka ee abaartu ku dhufatay gaar ahaan Togdheer, Sool/Nugaal, Sanaag, Mudug, Galguduud, Bari, Bakool, iwm waxana lagu qaaday diyaarado dabeedna la dejiyey Kurtun-Waarrey, Dujuuma (Mareerey), Sablaale, Baraawe, Ceel-Axmed, Cadale, Jarriiban, iwm waxana markii danbe loo bixiyey “DAN-WADAAGAHA”. Magacaas "Dan-wadaagaha" waxa weli laga heli karaa Xamar waayo waxa jirtay meel loo yaqaan "Jiirada Dan-Wadaagaha" oo u dhow KM5. 
 Dadkaas waa dadkii ugu nasiib badnaa Soomaali qaxooti noqota. Runtii kuma sheegi karno qaxooti ee waxay ahaayeen dad reer miyi ah oo la “degaamaynayey” ama “settlements”.
Waqtigaas oo ahaa waqtigii dowladdii Soomaaliyeed calan-wallaynaysay, dadkaas waxa loo xannaanayn jiray si heer sare ah oo aan laga sheekayn karin. Waxa la siin jiray raashin nooc waliba, hilib, kalluun, daawo, dhar, iwm. Xataa waxan xasuustaa iyadoo dhowrkii reerba la wada siiyey hal teneg weyn oo uu ku jiro nacnac qori (lollipops) si carruurta loo siiyo. Carruurtii waxa lagu daray waxbarasho dhallinyaradiina waxa loo furay tababaro xirfadeed oo shaqooyin la siiyey. Raggii waaweynaana waxa loo ogolaaday inay u dhoofaan Wadammada Carabta oo beryahaa shidaalku u baqay dhulkooduna aad u dhismayey. Ka dibna waa kuwii muddo yar ka dib soo “degi” jiray iyagoo loo yaqaannay “jannaale” nimcada ka daadanaysa darteed. Taariikhdaas waxay ahayd taariikh Dahab ah oo ay soo martay Soomaali (dibna u mari doonto, insha Allah) laakiin aan u galo dulucda sheekadayda.
Degmadayada, xaafad waliba usbuucii maalin bay qaadan jirtay raashinka. Taayadu waxay u lahayd maalinta Arbacada. Markaa inta raashinka lagu soo qaado baabuur baa lagu dejin jiray meel bannaan oo xaafadda dhexdeeda ah. Ka dibna inta hooyooyinka qaataan kiishash iyo weel bay soo qaadan jireen garaamkooda iyadoo marba qoys uu xaadiranayo xisaabiyuhu isagoo kor u yeedhinaya magaca iyo  waxay xaq u leeyihiin shay waliba (sonkor, bariis, bur, saliid cadday, iwm). Nin kalena wuu u miisayaa raashinka, iwm. Markaa Soomaali waad taqaan oo waa war iyo cabasho miidhan. Qaar bay waxay odhan jireen wixii dowladdu inoo soo dhiibtay la innama wada siiyo oo waxa xaqeenna cuna madaxda degmada.
Maalintii danbe iyadoo raashinka la qaybinayo annaguna ku ciyaarayno meesha agteeda, baa waxa hal mar si kedis ah usoo dul istaagay goobtii raashinka dhowr baabuur oo Land-Rover ah waxana ka soo booday niman badan oo labbisan dharkii askarta. Kuwii hubaysnaa markiiba waxay isku wareejiyeen hareeraha goobta, kuwii kalena dadkii bay soo dhex galeen. Intaan aad baa loo baraarugin, baa waxa la arkay nin xoog weyn oo sita surwaal gaab oo dul taagan xisaabiyihii xaadirinayey magacyada iyo isagoo cod dheer ku yidhi: “… Jaalle, qofkii imisa garaam oo sonkor ah buu leeyahay maalintii?” Xisaabiyihii oo la odhan jiray "Saalax-Midh**" baa isagoo garan la’ ninkan xoogga weyn ee dul taagan intuu kor u eegay oo u sheegay tiradii la weydiiyey isagoo yaabban oo indhihii soo bexeen! Ka dibna ninkii weynaa baa mar kale weydiiyey Saalax: “Bariiskana?” Saalaxna waa u jawaabay deg deg. Ka dibna waxan maqalnay dadkii oo hal mar isla kacay buuq oo leh “waa madaxweynihii, waa madaxweynihii” iyo qaar faraxsan oo sacabbinaya. Ka dibna madaxweynihii baa dhowr su’aalood weydiiyey dadweynihii dabeedna waxay fuuleen baabuurtii iyagoo deg deg u dhaqaaqay. Waxayna sii aadeen xaafado kale oo ay kormeerayeen.
Cabbaar ka bacdi baa waxa goobtii yimid Guddoomiyihii degmada iyo madaxdiisii oo kabash-kabashle oo iyagoo baqaya dadkii  weydiiyey “madaxweynihii ma aragteen?” Ka dibna dadkii intay hal mar wada qosleen bay iyagoo canjilaad afka qalloocinaya ku yidhaahdeen “madaxweynihii ma aragteen! madaxweynihii ma aragteen! Xaggaad jirtay inta Madaxweynuhu Xamar ka imanayey ee degmadaada xaafad xaafad u kormeerayey!”. Isagiina maba sugine wuu sii cararay isagoo marba cid weydiinaya oo leh “madaxweynihii ma aragteen? halkee maray?” 
Maalintaas magaaladu wax kale kuma sheekaysanayn aan ka ahayn sida Madaxweyne Siyaad Barre usoo kormeeray magaalada iyagoon maamulkii diyaar-garoobin. Dadku waxay aad ugu faraxsanaayeen inay madaxweynaha afkooda ugu sheegeen waxa la siiyo si uu ugula xisaabtamo Guddoomiyaha degmada oo ay ka shakiyeen. U fiirso madaxweynuhu wuxuu u yimid xaqiiqo-raadis wuxuu doonayey inuu shaqsiyan ogaado raashinka la siiyo qof waliba inuu yahay sidii loogu talo-galay iyo in kale… ..
Anigu taas baan u soo joogay! Waxaasaa Madaxweyne la yidhaahdaa!!!!!!!!!!!
Maanta Waxan ahaan lahaa odey Reer Miyi haddaan Madaxweyne Siyaad Barre miyiga naga rareen.
Al-Xamdu-Lillaah.  - Maxamed Saraaye</description>
waan qooma meeyaa
			<description>waxan ahay 61 jir kana mid ahaa ragii ugu horeeyay ee u dagaalmay jabhadii ssdf qaatayna qoriga si aan oo ladagaalano talis kii marxuumka aabo maxamed siyaad ilaahay ha u naxariisto anigoo ay iqaaday caadifad qabiil.runtii waxaan ani usoo joogay ina yeey (claahi yuusuf ) oo ilmaynaya markuu maqlay odaygaa baa dhintay, waxaan suaal u waydiiyey maxa kugu dhacay markaas ayuu yiri aniga iyo marxuumka isma cafin   - saciid ali </description>
GOBANNIMADU OOYDEY , ILMO  GABAX KA SIISAY , HUBKA, HUBKA,
			<description>Afkiinna caana lagu qabay labadaas Ee Qran, waa Hibo Nuura iyo Boqorkii Maxamed Sleebaan,
Labadaas Hobol, waxay ka mid yihii Hobollada Soomaaliyeed kuwa ugu sharaf badan, uguna macquulsan,wsaxayna jecelyihiin Soomaalinnimada, qof kasdtaana kalsooni u hayo.
Miraha Heeskaas , ayaa ka tarjumaya himiladi sareeysay ee KACAANKI 21 OKTOOBAR.
GOBANNIMADA WAA LOO DHINTAA, AMA WAA LOO GOAA,  - Aweys, Dalka Holland</description>
			<description>ASC WR WB DHAMAANTIIN SOOMAALI WEEYN,ALLAH JANADDA FARDOOWSA U DEEQA GEESIGII,HALYEEYGII U DANBEEYEY SOOMAALI KA DHALSHA,MADAXWEEYNAHII SOOMAALIYEED ABAAHII XORIYADDA AFRIKA,;MAXAMAD SIYAAD BARE ,ANIGA OO AH SOOMAALI KA SOO JEEDDA XEEBTA JABUUTI,MAANTA 5TA  BILSHA KOOWAAD XASUUS GAAR AH II TAHAY WAAYO ALLAH YARXAM  MAXAMAD SIYAD BARRE 051\86 AYUU NAGU SOO BOOQDAY MAGAALADDA CAARTA KA DIB SHIRKII IGADKA EE KA DHACAY JABUUTI, WAXAAN KU HEESNEY HEESTII CAANKA AHEED EE GUUL WADDE SIYAAD ISAGOO LA SOCDA ALLAH YARXAM XASAN GUULEED WALAALKIISII MADAXWEYNAHII XEEBTA JABUUTI INTUU I SALAAMAY BUU IGU YIDHII FANAAN BAAD NOQON DOONTAA 12 SANO JIR BAAN AHAA. ABWAAN BAAN NOQDAY.TIX GABAY AH BAAN ALLAH UGU BARYII INUU NAXARIISTO MAXAMAD SIYAD BARRE ; SUUGAANTU WAA DHAXAL,SALKA NOLOSHA WEEYAAN
SAHAL LOO ARGAA IYO SIFAHEEGO LALA SOCON SIYAAD SIDDUU YIDHII SABOOL DHAQAN AH WEEYAAN.
SAYIDKII AQOONTOO AABAHII SINAANTOO,SAAXIIBKII QARANKOO
SOCODKEEGA TAARIIKH SINAD WALIIBA SHEEKIYO SIFO LAGUU GARTA LAHEE
SOOMAALI DABADDAA SILIIC IYO DHIBAATIYO SAXARIIR KA DHAREGTOO SIYAAD WAAY KU TABEYSAA.
SUMCADDIYO WANAAGII SOOMAALINIMADDII SAMADDAY KU LAALEEN
SOO NOQOSHADDEEDANA SIYAADOOW MID KULA AH INUU SOO BAXAA
SAREEYAHA KA TUUGAA.
SAAXIIBKII SHARAFTOO,SAYIIDKII XORIYADDOOW,SANKU NEEFLE OO IDIIL 
SAATIR MARKAAY U LAAMAN SAACADDA DHIBTEEDIYO
SILSAALKAA QIYAAMAHA SIBIQ INAD KU DHAAFTAA SAREEYAAN KA TUUGAA. - cabdi jabuuti</description>
Hadal  aan ka  soo xigtay Wasiirro sarsare oo ka tirsan Dawladda Angola, Afrika
			<description>AbaAL SHISHEEYE LOO GALAY OON WALIBA NAGU DIIN AHAEYN A Y INTA GARTEEN AY ILAA MAANTA KA ABAALGUDAYAAN. WAA MAXAY ABAALKAAS, WAXAAN KA DHGWEYSTAY IDAACAD CAAN AH WASIIRRO  HAATAN KA TIRSAN DAWLADA ANGOLA OO SIDAAN YIDHI.
SABABTA MAANTA SOOMALI BADAN AAN UGU SOO DHAWEYNAYNO DALKEENA ANGOLA, WAXAA KIA MID IN XILLIGII AAN AHAEYN GOBANNIMO DOONKA SANNADADII TODOBAATAMEEYADII IN RAG HAATAN KA TIRSANWASIIRADA IYO DAWLADDA ANGOLA AYAGA OO CARRUUR AH OO  ARDAY  PRESUDENT SIYAD BARRE, IYO DAWLADIISI AY WAXBARASHO IYO HOY NAGA SIIYEEN DALKOODA, ISLAMARKAANA AY SI FIRFIRCOON UGA QAYBGALEEN DIB U XOREYNTA DALKEENA ANGOLA.
WAXAA MARKAA LA YAAB LEH , XIL NIN SHISHEEYE AH  GARTAY KANA ABAALGUDAY OO KUWA BADAN OO SOOMAALI AH AY NUUGAYAAN KANA SHAQEYSANAYAAN DALKA ANGOLA IN AY AYAGUNA ABAALISKABA DAAYE AY DALKI AY ORIGINAL AHAAN KA DHASHEEN AY WALI 21 SANO KA DIB WALI AY U HILOWSAN YIHIIN INAY DALKOODA CADOW K WAREEJIYAAN. NIN ABEESO KORIYOW ADAA U AAYI. NIN HOOYADIIS QORRAXDA U JIDAY CID KALENA WAXBA UMA TARAYO. WARLYOO KOOBAN, GEESIGA DHULKIISA GUUSHA U HORSEEDA GEERIDA DISHAA....
KU GABRAARATADA GUMEYSIGU KU DHUUNTA GALABSADA XUMAANTAA GEEDKOOD HA BA''O - musdafa, Hollanda</description>
MR
			<description>ASC
WAXAAN ANIGU RUNTII UGU YEERAA  'MOWJADDII'   JAALLE MAXAMED SIYAAD BARRE.  RUNTII KU MA SOO KOOBO KARO DHINACA AMAANTA UU MUTEYSTEY.
WAXAAN LEEYAHAY UGU DANBEYNTII MADAXWEYNAHA ALLAHA UNAXARIISTO, AMIIN.
WUXUU AHAA MAXAMED SIYAAD BARRE,  NIN RAG AHNA LOO SHEEGI MAAYO, DOQONA WAA HALKEEDII!!.
WABILLAAHI TOWFIQ 
G A. JIIJIILE - G A JIIJIILE</description>
wax aan soo laabayn
			<description>mohamed siyad barre waxa uu ahaa geesiga Afrika waxana taa daliil cad u ah afrikanki uu hor joogay oo ay ugu horayso cadowga ethiopia iyo kenyadii oo boliska ugu dharan jiray  ugandhadii uu tansaniya ka celiyay  kuli hada waxa ay diyaar u yihiin in ka faaiideestaan madama uu libaaxiii uu meesha ka baxay  MESSHA BAHALKEEDU DHINTAA BAKAYLEHEEDU BUURAHA FUULAA 
Mohamed siyaad barre geesi aan la qarin karin  ALLAHA U NAXARIISTO  - abdulqadir sweden</description>
Secretary General of  Somali Community in Ethiopia
			<description>Salaan kal iyo laab ah kadib, marka hore allaha u naxariisto aabbaheenii qaaliga ahaa Maxamed Siyaad Barre jannadii fardowsa allaha ka waraabiyo ummadda soomaaliyeedna samir iyo iimaan alllaha ka siiyo. aamiin.
Kadib, qiiro waddaniyad ayaa i hoggaamineysa mooyaane mahayo wax aan sheego, waayo, wax walba oo aan sheegi lahaa horay ayaa loo soo sheegay, laakiin ugu dambeyntii anigu waxaanba qabaa in Maxamed Siyaad Barre uu ahaa qof oWliyo Ah.
Sidoo kale, waxaaba macquul ah oo inoo muuqata in Maxamed siyaad Barre uu ahaa qofkii lagu soo qatimay jagada madaxweynenimo ee dalka soomaaliya maadaama jagadaas lagu soo billaabay Mudane Aadan Cabduulle Cusmaan, taasoo lamecna ah in Anbiyada uu ugu horreeyay Nebi Aadam laguna soo qatimay Nebigeena Maxamed, nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee. - Avv. Abdiaziz Ahmed Abdullahi,, Baarlamaan,,</description>