Laga soo billaabo 1956kii ilaa 1969kii waxaa maamulka dalka hayay dowlado ay taagdarrada iyo habacsanaantooda ay u sii dheerayd musuq maasuq, qabyaalad, ku takrifalka hantida qaranka, fowdo iyo kala dambeyn la’aan joogta ahayd. Ammaankii iyo kala danbeyntii ayaa faraha ka baxay, dagaal joogta ah ayaa qabiilada ka dhex aloosnaa, ilaa la gaaray in beeluhu ay meel walba ku diriraan. Waxaana dhibaatadu ay noqotay mid sii baahda oo dowladihii magaceeda u bedesha Dowlad Musuqmaasuq uu la degay, waxaana fowdadii iyo nabadgelya darradii ay ku biyo shubatay in Madaxweyne Cabdirashiid Cali sharmaarke uu toogto askarigii loo xil saaray badbaadintiisa, iyadoo la adeegsaday muruqa ciidammadii dowladda ee markaas jiray iyo weliba maalkii qaranka, waxaana laga daliishan karayay halkaas in musuqmaasuqa iyo fowdada uu heerka ugu sarreeyay tegay.
Doorashooyinkii dhacay 1958, 1964 iyo 1969kii waxaa si bareer ah warqadihii cod bixinta ugu shubtay xisbigii SYL ee dhallinyarada, dhowr magaalo oo dalka Soomaaliya ku yaallay ayaa dadweyne aan waxba galabsannin lagu xasuuqay, waxaana dadweynihii xilligaasi ay ku calaacalayeen Xoogga Dalka Maad naga qabataan dugaagga iyo diiratada dowladnimada sheegtay, dhowr ka mid ahaa abwaannadii Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku cabbireen xilligaas musuqmaasuqa dareenkooda hab suugaaneed, waxayna ku maansoodeen “Inqilaab hurdaduu ku jiro la hubsan doone” oo uu abwaan Nuur Cali Qonof tiriyay, sidoo kalena abwaan Qaasim ayaa isaguna tiriyay tixaha ay ka midka yihiin “Cishadii Gashaba waagu waa caynad gooniyahe, Inay curato khayrlihii Kacaan ciidan la arkaaye” iyo suugaan kale oo badan oo ay ku cabbirayeen dareenka ay ka qabaan dhibaatada lagu hayay bulshada.