BOOK REVIEW
MOHAMMED SIAD BARRE: HIS LIFE & LEGACY
Buuggan daah furkiisa wuxuu ku soo haggaagay sanadguuradii 42aad ee ka soo wareegatay dhalashadii Kacaankii Oktoobar ee uu hogaaminayay Jen. Maxamed Siyaad Barre oo ka curtay Soomaaliya 21kii Oktoobar, sanadkii 1969., wuxuu kaloo Buuggan ku soo haggaagay sanadguuradii 21aad burburkii loo gaystay guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaana guulihii Kacaanka u soo hooyay Dadkiisa iyo Dalkiisa.
Marka laga hadlayo taariikhda iyo hal-abuurkii siyaasadeed ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, waxay la mid noqonaysaa taariikhda iyo halgankii Kacaankii Oktoobar u soo galay horumarinta siyaasadda dalalka soo korayo, adkaynta iyo horumarinta nolosha Bulshada Soomaaliyeed iyo dhisidda iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Buuggan oo ka koobnaa 314 bog waxa uu u qaybsan yahay (4) cutub. Cutubka 1aad wuxuu ka hadlaya barbaarintii Maxamed Siyaad Barre iyo hanaqaadkiisa iyo mihniddisa military iyo darajooyinkii uu ka gaaray ciidanka iyo sidii ugu hanweynaa xagga siyaasadda iyo sida ugu biyo-diiddanaa siyaasaddii xisbigii siyaasasiga ahaa ee SYL oo u xuubsiibtay in uu ku shaqeeyo masaalixda Imbiryaaliyadda Caalamiga ah ay ka lahaayeen Somaaliya, iyadoo Qoraaga Buugan sabab uga dhigay damaca siyaasadeed ee Jen.Maxamed Syaad Barre waraysi uu siiyay sanadkii 1966 Wargayska caanka ahaa ee “UNITA” oo ka soo bixi jiray dalkaas Taliyaaniga.






